FAA-FAAHIN: Qarax maanta lala beegsaday Guddiga Gurmadka Abaaraha

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa barqanimadii maanta waxaa qarax miino lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Xubnahan oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Deegaanka Garasbaaley oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay agagaarka Garasbaaley.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu qabsaday mid ka mid ah gawaaridii ay la socdeen xubnahaasi, ha yeeshee aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi.

Gaari ay saarnaayeen Agaasime-yaal Gobolka Banaadir ka tirsan iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayuu qaraxa haleelay. Ma jirto cid wax ku noqotay, marka laga reebo in gaariga uu ku burburay.” Ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Goobjooge ayaa xaqiijiyay in qaraxan uu qabsaday gaari uu noociisu yahay HILUX, balse sida uu sheegay aanu arkin cid wax ku noqotay, aan ka ahayn burbur gaariga ka soo gaaray qaraxaasi.

Qaraxa wuxuu ahaa mid aad u xoogan, waxaana isugu soo baxnay meeshii uu ka dhacay. Waxaan aragnay Xaajiyad HILUX ah oo qaraxa ku burburtay, cid kale oo wax ku noqotay ma’arkin.”

C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Garyare), Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaley, ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Abaaraha ay Garasbaaley ugu soo amba baxeen, sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayen qoysaska barakacayaasha ee halkaasi ku nool, si maalmaha ina soo aadan ay deeq raashiin u soo gaarsiiyan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close