XOG XASAASI AH: Barlamaanka Somaliya oo maanta go’aan aan la fileyn kasoo saaray Mooshinka Saldhiga Berbera ee Imaaraadka!

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Muqdisho (Horumar Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshinkii laga keenay Saldhigga Milatari ee Imaaraadka uu ka dhisanayo Berbera ku wareejiyay Xukumadda federaalka Soomaaliya  ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulan ayaa maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayay xildhibaanadu ku sheegeen in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo walbe oo looga hortagaayo Saldhigga Imaaraadka Carabta, waxaana Xukuumadda Soomaaliya laga laga sugaaya in ay jawaab cad in ay ka geyso waxa ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Haddaba arrinta cusub ee uu  Baarlamaanka Soomaaliya kusoo kordhiyey heshiiska Saldhigga Berbera ayaa noqoneyso mid shaki weyn keeni karto taasoo dhabar jab weyn ku noqoneyso Soomaaliya.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa isku dhiib dhiibkaan cusub ku tilmaamay inay tahay mid lagu doonayo in meesha looga saaro heshiiska Saldhigga Berbera oo halis weyn ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga filayey inuu mooshin u qaado heshiiska Berbera, balse hadda waxaa macquul ah inaysan dowladda Soomaaliya war moog u aheyn heshiiska Berbera, waxayna tallaabadaan kamid tahay qorshooyinka lagu doonayo in meesha looga saaro heshiiska Berbera oo markaan u muuqda inuu yahay mid iska caadi ah oo ay dowladda ku qanacsan tahay.

Bilowgii heshiiska ay galeen dowladda Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland waxaa dowldda Soomaaliya u muuqatay mid aan ku qanacsaneyn iyadoo ay socdeen dadaalo lagu doonayey in lagu kansalo heshiiskaas, balse hadda sheekada waxay lasoo baxday Waji cusub oo aan la fileyn.

Haddii uu Baarlamaanka Soomaaliya iska soo wareejiyey arrinta ku aadan Heshiiska Berbera maxay tahay tallaabada ay xukuumadda Kheyre ka qaadi karto arrintaas, maadaama markii hore qorshuhu ahaa in Baarlamaanka ay mooshin lagu diidan yahay heshiiskaas keenaan.

Dadka u dhuun daloolo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda Imaaraadka Carabtay ay Dowladda Soomaaliya ku qancisay heshiisyada ay la galeyso Maamul Goboleedyada, midaasna waxay keentay inay dowladda si hoose uga baxdo arrimahaan.

Khatarta ka dhallan karto heshiiska Berbera ayaa ah inay Xuutiyiinta Yeman kusoo biiraan dagaalka ka socdo Soomaaliya, taasoo noqneyso qatar cusub oo soo wajaheyso Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana Madaxda Xuutiyiinta waxay ku hanjabeyn inay soo duqeyn doonaan Magaalada Berbera haddii halkaas Imaaraadka Saldhig ka sameysto maadaama ay ku faaneyn inay heystaan Gantaalo awood u leh inay soo gaaraan Magaalada Berbera.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close