Home WARARKA MAANTA WAR CUSUB: Maxaa ka jira in diyaaradihii qaadka keeni jiray Muqdisho ay...

WAR CUSUB: Maxaa ka jira in diyaaradihii qaadka keeni jiray Muqdisho ay maanta u wareegsanayaan Jowhar?

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ee Magaalada Muqdisho, Diyaaradihii qaadka ee ka soo degi jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo wareejiyay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Sababta ka dambeysay arintaan ayaa waxa ay tahay in Khilaaf uu soo kala dhex galay ganacsatada qaadka iyo Dowladda Federalka Somaliya, taasi oo salka ku haysa arimaha ku aadan dhanka Canshuurta qaadka laga qaado.

Ganacsatada ayaa sheegay dowladda inay sameysay canshuur kordhin aysan awoodin ganacsatada qaadka, taasi oo keentay in ganacsatada ay gadoodaan, islamarkaana qaadkii ay ka soo dejin jireen garoonka Aadan Cadde ay u weeciyaan dhanka Magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah ganacsatada qaadka, ayaa Warbaahinta gudaha wuxuu u sheegay illaa laga xaliyo muranka ka taagan canshuur kordhinta ay sameysay dowladda in qaadkooda ay kala soo degayaan Magaalada Jowhar.

Kiilada qaadka ayaa markii hore, waxaa lagu canshuuri jiray lacag dhan 43,000 oo Shillin Somali ah, halka iminka dowladda ay ku kordhisay 10,000 oo Shillin Somali ah, waxaana ay noqonaysa canshuurta Kiiladda qaadka ah 53,000 oo Shilin Somali ah.

Ganacsatada qaadka ayaa sheegay 7-diyaaradood maanta inay ka degi doonaan Magaalada Jowhar, kadibna gaadiid looga soo qaadi doono Jowhar oo la keeni doono Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya illaa hadda kama aysan hadlin canshuur kordhinta ay ka qaylo dhaaminayaan ganacsatada qaadka ka soo dejisa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE