XOG: Kenya oo ciidamo badan geynaysa Jaamacadaha dalkeeda ku yaala, cabsi weerar Al-Shabaab kaga yimaada

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in Boolis dheeraad ah la geynaayo xarumaha Jaamacadaha waddanka Kenya kadib markii ay soo baxday in Al-shabaab iyo Daacish, dad u adeega halkaasi ay ku sugan yihiin.

Wasaaradda amniga gudaha Kenya ayaa sheegtay in ay heshay in halka ugu badan ee Al-shabaab ay ka qortaan Dhallinyarada ay tahay Xarumaha Jaamacadaha waddanka Kenya si taas loo baajinaya la geynaayo Boolis dheeraad ah oo joogto ugu sugnaada xarumaha Jaamacadaha waddanka Kenya.

Thomas Sakah oo ah ku xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya ayaa sheeay in dowladda ay ogaatay in arday badan oo la waayay ay ku biireen Al-Shabaab ama Daacish islamarkaana ay ka dagaallamaan gudaha Kenya,Somaliya iyo Syria.

Waxa uu intaas ku daray in Sirdoonka Kenya ay heleen xog muujineysa in Al-Shabaab ay xarumo lagu xagjireeyo dhallinyarada Jaamacadaha ku leeyihiin xarumaha Jaamacadaha Waddanka Kenya,taasina ay sababtay in dowladda ay qaaddo tallaabo cusub oo ay arrintaas uga hortagayso.

Dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ka soo muuqday dagaalo Shabaab ay ku qaadeen deegaano ka tirsan dalka Kenya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close