DHAGEYSO DHACDO NAXDIN LEH: Nin Xaaskiisa oo uur laheyd ku Dilay deegaan u dhow Jowhar (Maxay tahay Sababta?)

Filed under: CIYAARAHA,Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegaya nin ka mid ah dadka kunool Tuulo lagu magacaabo Tugaarey uu Khamiistii shalay halkaasi ku dilay xaaskiisa oo uur laheed.

Dadka deegaanka ayaa Horumar.com u sheegay, in Ninka dilka geestay uu muran soo kala dhax galay xaaskiisa , waxa uuna dilka xaaskiisa u adeegsaday qoray uu lahaa, gacan ku dhiiglaha ayaana ka baxsaday halka uu dilka ka geestay.

Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay, Faay C/Qaadir , halka ninka dilka geestay isna magaciisa lagu sheegay C/laahi Isaaq, waxaana la sheegay in gabadha la dilay ay uur laheed sidoo kale gabar ay u heesay ninka dilay.

Ninkan oo ahaa beeraley ayaa la sheegay inuu qori uu heystay ku dilay xaaskiisa, markii ay damacday in Tarmuus Shaah ah inay ku shubto, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Tuugaarey Cali Maxamed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dilka geystay, iyadoo loo gudbinayo magaalada Jowhar, si loo soo taago Maxkamad.

Si kastaba, dilalka nuucaan oo kala ah ee salka ku haya maseerka iyo arimaha la xariira khilaafka u dhaxeeya lamaanaha ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana dilalkan oo kale ay horey uga dhaceen gobolada dalka.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SIDA UU DILKA U DHACAY:

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close