DHAGEYSO: Khasaare intee la eg buu geystay Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho kaas oo geystay qasaaro hantiyeed.

Dabkan oo ka kacay qeybo muhiim ah oo Suuqa katirsan ayaa lagu guuleystay in si deg deg ah loo damiyo saqdii dhexe xalay, kadib markii ay dad badan kusoo baxeen.

Gaadiidka damdamiska oo ay leeyihiin maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda Hormuud ayaa ka qeyb qaatay damiska dabkan.

”Dabka waxaa uu ka holcay meel ku dhow Suuqa Khaliifa gaar ahaan halka lagu iibiyo Malabka iyo agabyada kale” sidaas waxaa yiri mid kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada ayaa sheegay in lagu guuleystay in laga ilaaliyo dabkan inuu kusii fido guud ahaan Suuqa sidii horey udhici jirtay oo kale.

Tani ayaa noqoneysa Markii sedexaad oo mudo kooban uu dab qabsado Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya ee dhanka ganacsiga.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI MID KA MID AH GANACSATADA SUUQA:


Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close