Home WARARKA MAANTA Chelsea oo ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska

Chelsea oo ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska

SHARE
Photo by Chelsea FC
Photo by Chelsea FC

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa u daabdegtay hanashada horyaalka Ingiriiska kadib markii 1-0 ugu adkaatay kooxda West Bromwich Albion oo gurigooda lagu cayaarayay.

Chelsea ayaa markii lixaad taariikhda ku guuleysanaya horyaalka Ingiriiska.

Naadiga Chelsea ayaa u suura gashay inay 87 dhibcood ku qaado koobka, xilli laba cayaar ay ka harsan tahay tartanka horyaalka.

Macallinka u dhashay Talyaaniga, Antonio Conte ee leyliya naadiga Chelsea ayaa la dabaaldegay cayaartoydiisa, iyadoo la arkayay cayaaryahannada Deigo Costa iyo David Luiz oo kaxeynaya macallinkooda xilli uu warfidiyeennada la hadlayay.

Antonio Conte ayaa ayaa sheegay inaysan nasiib wanaag ku qaadin koobka balse ay sameeyeen shaqo adag oo wanaagsan, isagoo xusay si xilli cayaareedkan uu u noqdo mid cajiib ah inay u baahan yihiin inay sidoo kale qaadaan FA cup-ka.

Kooxda Tottenham Hotspur oo leh 77 dhibcood ayaa kaalinta labaad kujirta, iyadoo u harsan saddex kulan. Liverpool oo laba kulan u harsan tahay ayaa ku jirta kaalinta saddexaad, waxa ayna leedahay 70, balse Kooxda Man city oo saddex kulan u harsan tahay ayaa leh 69 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta afaraad.

SHARE