Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo lagu dilay Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa lagu dilay degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee nabaddoonkaayaa koox bastoolado ku hubeysan ay ku dileen xilli uu marayay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Laba-dhagax.

Maleeshiyada dilka geysatay ayaa baxsaday, sida ay sheegeen laamaha amniga ee dowladda, walina waxaa socda baaritaan.

Waa dilkii afaraad oo loo geysto odayaasha dhaqanka muddo saddex maalin ah, iyadoo dilal kala duwan loo geystay qaar ka tirsan ergadii soo xushay baarlamaanka cusub dowladda federaalka.

Dowladda ayaa marar badan ku celcelisay inay wax ka qaban doonto dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

 

 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close