15-ka May oo laga xusay Soomaaliya.

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Munaasabad lagu weyneynayay aas-aaskii ururkii gobannimo doonka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa maanta lagu qabtay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalka.

Masuuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa socod ku tagay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 15-ka May ay tahay maalin muhiimad weyn u leh guud ahaan Soomaalida, isagoo xusay in dhallinyaradii SYL ay dalka u horseedeen madax-bannaani.

Farmaajo ayaa u jeediyay shacabka, gaar ahaan dhallinyarada inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka, isagoo xusay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bixin doonto xasilloonida dalka.

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close