Home WARARKA MAANTA Laba qof oo loo qabtay qarax ka dhacay Muqdisho

Laba qof oo loo qabtay qarax ka dhacay Muqdisho

SHARE

Saraakiisha amniga ee dowladda federaalka ayaa sheegay in ay hayaan laba qof oo saarnaa gaari maanta ku qarxay agagaarka dhismaha xoogga korontada ee degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta amniga ayaa tilmaamay in gaariga ay ku hayeen baaritaan, kadib markii ay shacabka ka heleen xog- ku saabsan inuu jiro gaari la doonayo in qarax loo adegsado.

Wararka ayaa intaasi ku daray in ciidanku ay istaajiyeen gaariga, kadib markii ay ka shakiyeen, kadibna uu qarxay xilli ay waddada kusoo jireen kooxda biino maarista. Lama sheegin wax qasaaro ah oo uu sababay qaraxa.

 

SHARE