Home WARARKA MAANTA Dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay agagaarka saldhigga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxan uu yimid xilli ay ciidanka miinabaarista dowladda ku howlanaayeen kala furfurista walxaha qarxa oo saarnaa gaarigaas.

Israsaaseyn ayaa dhex maratay ciidamada dowladda iyo maleeshiyadii wadatay gaariga, halkaasi oo lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada.

Dowladda federaalka ayaa ku ammaantay shacabka wada shaqeynta ay u muujiyeen ciidanka, si loo fashiliyo qaraxyada ay geysanayaan Al-Shabaab.

SHARE