‘Waa Waqtigeyga!’ – Cristiano Ronaldo oo Ka Soo Muuqan Doona Bogga Kore Ee Ciyaar Gacmeedka FIFA 2018

Filed under: CIYAARAHA,WARARKA MAANTA |

SPORTS (Horumar Online) – Markii ugu horeysay ciyaar gacmeedka EA ee FIFA waxaa bogga kore ka soo muuqan doona Cristiano Ronaldo.

Xiddigaha sida Marco Reus, Lionel Messi iyo Kaka ayaa mudadii sannadaha aheyd ka soo muuqday bogga kore ee ciyaar gacmeedka FIFA laakiin madaama ay Barcelona xiriir cusub la yeelatay ciyaar gacmeedka la tartama FIFA ee Pro Evolution Soccer, waxa ay keentay in Ronaldo la doorto.

Waa sharaf inaan ka soo muuqdo bogga hore ee FIFA 18” ayuu yiri Ronaldo. “Waa dareen aad u fiican, aad ayaan uga mahdinayaa in la ii doorto.”

Ciyaar gacmeedka FIFA 2018 waxaa iibintiisa la bilaabi doonaa 29ka September iyadoo uu diyaar ku noqon doono Playstation 4, Xbox One, Nintendo Switch, Xbox 360, Playstation 3 iyo PC, iyadoo Xbox One ay heli doonaan ciyaar gacmeedka 21ka bisha September.

Ronaldo ayaa waxaa soo maray xilli ciyaareed weyn isagoo ku guuleystay horyaalka La Liga iyo koobka Champions League waxa uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu cadcad abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon d’Or iyadoo dad badan ay u arkaan in guulihiisa ay keeni doonto inuu ku guuleysto abaalmarinta markii shanaad uu barbareeyo Messi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close