Home Dhacdooyinka DEG DEG” Madaxwayanaha maamulka Galmudug oo Gaaray Magaalada “GAALKACYO.”

DEG DEG” Madaxwayanaha maamulka Galmudug oo Gaaray Magaalada “GAALKACYO.”

SHARE

 

GAALKACYO (Horumar Online) Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Gordhaw Gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo dhaweyay masuuliyin katirsan Galamudug iyo shacab badan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.

Mudane Xaaf ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Gobolka Mudug iyo tan Magaaladda Gaalkacyo ugu magacaaban Maaamul goboleedka Galmudug asagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo.

Safarka Xaaf ee Magaaladda Gaalkacyo ayaa noqonayo safarkiisii kowaad ee uu Magaaladda Ku yimaado tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweyanaha Galmudug.

Waxaana usoo maray madaxwayana degmooyinka bandiiradley iyo Galinsoor oo katirsan Gobolka Mudug.

 

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronlinle@gmail.com

SHARE