Home Dhacdooyinka WAR CULUS: Dawladda Soomaaliya oo war Kasoo saaratay Khilaafka katagaan Khaliijka.

WAR CULUS: Dawladda Soomaaliya oo war Kasoo saaratay Khilaafka katagaan Khaliijka.

SHARE

 

Muqdisho (Horumar Online) Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronlinle@gmail.com

SHARE