Dawladda Kenya oo sheegtay inay  Qabatay Qaraxyo iyo Rag ka tirsan Al:Shabaab

Filed under: WARARKA MAANTA |

 

 

Muqdisho (Horumar Online)  Dowladda Kenya ayaa fashilisay weerar ay Damacsanaayeen Al-shabaab, waxana lasoo qabtay Lix Nin oo la tuhunsanyahy in ay Qorsheeynayeen Weerar ay Masuul ka yihiin Al-shabaabka ka dagaalama Soomaliya, sidaas waxaa sheegay Madaxa booliiska Kenya.

Isbuucyadii u dambeeysay Wadanka Kenya waxaa ka dhintay ugu yaraan 20 Sargaal kadib weerarro kala duwan oo intooda badan lagu aasay wadooyinka waxayna weeradaasi ka dheceen Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Joseph Boinnet oo ah Baare Guud oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in Raga la qabtay Labo kamid ah ay Kenya u dhasheen, Halka kuwa kalena ay Soomaali ahaayeen.

Booliisku waxaa uu sidoo kale lasoo wareegay waxyaabaha Qarxa oo ay kamid Yihiin afar Jaakadaha Qarxa ah iyo Bom laga sameyay waxyaabo la isu geeyay.

“Lixda nin waxaa laga soo diray Somaaliya, waxaana soo diray Taliyeyaashooda si ay Kenya weerar uga Fuliyeen” ayuu Yiri Boinet.

Ciidamadda Amaanka Kenya waxaa la shaqeeyay Dhigooda Soomaliya si ay Weerarka u fashiliyaan, una qabtaan Ragga la Tuhunsanyahy, raga la qabtay ayaa ahadda waxaa laweeydiinayaa su’aalo la xiriira Xaddiga ay shabakadoodu la egtahay, ayuu kusii daray Boinet.

Dowlada Kenya waxaa ay wajaheeysa caqabaddo Amaan oo Adag, into bandanna Culeeysyada Aman waxaa ay Kenya soo Food saareen wixii ka dambeeyay Markii ay Ciidamadoodu Soomaaliya soo galeen si ay Al-shabaab ula Dagaalamaan.

Al-shabab ayaa dhankooda waxa ay kordhiyeen Weraradda ka dhanka ah Kenya waxaayna dalkaasi ka fulyeen illaa iyo 2011 kii weerro uu Dhiig badan ku Daatay oo ay la Beesdeen Shacab iyo Ciidan intaba.

 Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close