Home WARARKA MAANTA Afar ruux oo rayid ah oo lagu dilay Degaanka Kaxan-dhaale

Afar ruux oo rayid ah oo lagu dilay Degaanka Kaxan-dhaale

SHARE

Muqdisho (Horumar Online)  Wararka ka imaanaya Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Saakay Afar Qof oo Shacab ah lagu dilay Degaanka Kaxan-dhaale ee Gobolka Galgaduud.

Afarta Qof ayaa la sheegay in ay dileen Maleeshiyaad Hubeeysan,waxaana jira Dad la la yahay Nolol iyo Geeri.

Guddoomiyaha Degaanka galinsoor Xirsi Muuse Maxamed ayaa sheegay in  Maleeshiyaadka Dilka geystay ay ka soo jeedaan Degaanka Saaxo ee isla Gobolka Galgaduud.

Dhowr jeer ayaa waxaa ka dhacay Aagaas Dilal Salka ku haya Aano-qabiil,iyadoo weli aysan jirin wax Xal ah oo laga gaaray.

 

Xukumay. Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

SHARE