Puntland Oo Xayirtay Reer guuraa kasoo jeeda Galmudug kuna wajahan degaanada Soomaaliland

Filed under: WARARKA MAANTA |

 

Muqdisho (Horumar Online) .Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanibanyihiin Gadiid sida dad iyo Xoolo ka hayaamay Cariga Galmudug kuwaas oo ku sii jeeda Degaanada Soomaaliland si daaqsin ugu raadsadaan.

 

Gadiidka Xayiran ayaa tirsigiisu gaarayaa ilaa lix gaari oo nuuca loo yaqaan Candha-maydka kuwaas oo wada xoolo  aad u fara badan oo  ay  leeyihiin  xoola dhaqato kasoo jeeda Deegaanada Galmudug Garahaan Gobolka Galgaduud.

 

Qaar kamid ah Dadka Reer guuraaga ah oo ay la hadashay Ceelhuur.com ayaa u sheegay in Gadiidkaan la Qabtay Shalay galinkii danbe ayna ilaa waqtigaan ku go’doonsan yihiiin Kontoroolka waqooyi ee Garoowe waxay sheegeen in aysan  aqoon sababta loo haysto balse loo sheegay oo kaliya in ay Xoolaha daaq sadaan dhulka Puntland halkii ay u gudbi lahaayeen Soomaaliland ayagoo sheegay in aysan ku qanac sanayn Dhul daaq simeedka Puntland waxayna intaas ku dareen mudada ay ku Xayiran yihiiin Garoowe ay soo gaartay Qasaare hantiyadeed kadib marki qaar ka mid ah Xoolihii ay daaqsinta la raadinayeen ku dul baqtiyeen Gadiidka xayiran kuwaas oo awalba aad uu liitay  kadib Abaaro ku qab saday deegaankooda.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka ka Puntland ee haysta Gawaaridaan hasa yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ujeeda ka danbaysa  xayiraada Reer guuraaga Galmudug ee ku wajahan Soomaaliland tahay in Puntland doonayso hadii xoolahaani cayilaan islamarkaana la dhoofin tago Bisha Carafo laga dhoofiyo Dekadeeda Bosaaso halkii ay ka bixi lahaayeen Dekada Barbara.Xukumay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close