Home WARARKA MAANTA Wasiirka Gaashaandhigga soomaaliya  iyo saraakil tagay Laanta Buure shabelaha Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga soomaaliya  iyo saraakil tagay Laanta Buure shabelaha Hoose

SHARE

 Muqdisho (Horumar Online)  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukumada Soomaaliya C/rashiid C/llahi Maxamed  iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku booqday Xerada laanta Buure ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ayaa hadal u jeediyay Ciidamadii halkaasi ku sugnaa waxa uuna usheegay in ay uu dalka ku jiro xaalad dagaal oo ay xilli walba diyaar noqdaa in ay duulaan qaadaan.

Wasiirka ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Taliyaasha Milatariga iyo Xildhibaano waxa uuna u mahad celiyay Dhamaan Ciidanka XDS ee halkaasi ku sugan.

Ciidamada ku xareysan Xerada laanta Buuro ayaa ka mid ah Ciidanka Milatariga ahaa ee laga Saaray Magaalada Muqdisho ee loo diyaariyay in ay Qaadaan Dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Xukumay. Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

SHARE