Maamulka Hirshabelle oo War ka soo saartay dagaalkii lagu Hoobtay ee ka dhacay Hiiraan

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) Iyadoo Dagaal dhimasho iyo Dhaawac Sababay uu Labo maleeshiyo Beelood ku dhexmaya Gobolka Hiiraan Aagga Degmada Maxaas ee Gobolkaasi ayaa waxaa dagaalkaas si kulul uga hadlay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hirshabelle.

Wasiirka Wasaaradda Be’ada  Maamulka Hirshabelle  C/kariin Nuur Xasan Doob-yare ayaa sheegay in Marka hore ay ka Xun yihiin Dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku Dagaalamay,waxaana uu Xusay in Golaha Wasiiradda Hirshabelle ay Kulan Deg Deg ah ka yeelan doonaan Dagaalka iyo sidii Xal waara looga gaari lahaa.

C/kariin Nuur Xasan Doob-yare ayaa intaas ku daray in Dagaalku uu yahay mid soo laab laabtay,balse Maamulka Hirshabelle uu ku dadaali doono in uusan mar kale dib u soo laaban.

 

Xukumay. Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close