Al-shabaab iyo mCiidamada Dowladda iyo oo ku Dagaalamay Gobolka Bakool

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) Wararka ka imaanaya degaanka Ceel-lahelay oo hoostaga Degmada Xudur ee Caasimadda Gobolka Bakool ayaa ku Waramaya in Dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa Mudo Saacado ah qaatay,waxaana uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.

Ugu yaraan 5 Qof oo labada Dhinac ah ayaa la Xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dhinteen,waxaana Dhaawacu uu gaarayaa illaa 10 kale sida ay sheegeen Goobjoogeyaal ku sugan Ceel-lahelay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay Weerarka soo qaadeen islamarkaana ay ku jabiyeen Dagaalka Shabaabkii wax soo weeraray sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalameyaasha Al-shabaab weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Degaanka Ceel-lahelay oo duleedka ka ah Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Ugu dambeyntii  waxaa ka hadlay munaasabadan dhagax dhiga Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Cali Cabdulaahi Xuseen  ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo wadadan ay soo socotayy muddo dheer uuna ku faraxsan yahay in maanta la dhagax dhigo waddo 5km ah.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close