dhismo lagu sameynayo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online)Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin ayaa si wadajir ah u  dhagax dhigay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

 

Munaasabada lagu dhagax dhigayay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo deegaanka Koongo oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro,wasiir ku xigeeno, xildhibaano, maamulka gobolka Shabeelada dhexe iyo Engneero dhismaha waddooyinka ah.

 

Wadada la dhagax dhigay ayaa ah qeybta koowaad ee dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho waxaana qorshaha koowaad uu yahay in la dayactiro illaa 5km iyadoo howsha dayactirkana ay socon doonto muddo afar bilood ah.

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe, Axmed Meyre Makaraan ayaa soo dhoweeyay bilowga dayactirka maadaama shacabka ay dhibaato ku qabaan isagoo u mahadceliyay dowlada federalka Soomaaliya.

 

Wasiiru dowlaha Maaliyada dowlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo uu yahay SFF LD kaasoo ah in lagu tayeeyo kaabayaasha dalka waxana la doonayaa in laga hirgeliyo 13 gobol oo dalka ah.

 

“Wadadan waxbadan ayay u tari doontaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Shabeelada dhexe waxaana dhagax dhigan tusaale u yahay in ummada Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan horumar halka dad badan ay ka hadlaan gaajo iyo macluul taasina waxa ay muujinaysaa in dowladeenu hore u socoto maamul goboleeyaduna dhismayaan.”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii  waxaa ka hadlay munaasabadan dhagax dhiga Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Cali Cabdulaahi Xuseen  ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo wadadan ay soo socotayy muddo dheer uuna ku faraxsan yahay in maanta la dhagax dhigo waddo 5km ah.

 

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho

Horumaronlinle@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close