Home WARARKA CAALAMKA Mareykanka oo taageeraya dowladda Soomaaliya

Mareykanka oo taageeraya dowladda Soomaaliya

SHARE
Secretry of State Rex Tillerson appears at news conference following a Diplomatic and Security Dialogue Meeting with a Chinese delegation including State Counselor Yang Jiechi and military Chief of Joint Staff Fang Fenghui, at the State Department in Washington, Wednesday, June 21, 2017. (AP Photo/Cliff Owen)
June 21, 2017. (AP Photo/Cliff Owen)

Warsaxaafdeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa ayaa madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in dowladda Mareykanka ay dowladdiisa ka taageereyso orshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in ahmiyadda ugu weyn ee dowladdiisu ay tiigsaneyso ay tahay sugidda nabadgalyada iyo tayeynta hay’adaha ammaanka  ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dawladdu ay dardar gelinayso dagaalka kalagaga soo horjeedo Alshabaab, si loo gaaro horumar iyo nabad leysku halleyn karo.

Mareykanka ayaa xilli sii horeysay sheegay inuu kordhin doono duqeynta ayaa fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

SHARE