Home Dhacdooyinka DAAWO: Fannaaniinta Xiddiga Geeska oo soo saaray Heestii ugu qiimaha badneyd ee...

DAAWO: Fannaaniinta Xiddiga Geeska oo soo saaray Heestii ugu qiimaha badneyd ee abid soo saaraan!

SHARE

Hargeysa (Horumar Online) – Fannaaniinta kooxda Xiddiga Geeska ee xaruntooda tahay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray heestii ugu qiimaha badneyd ee ay soo saaraan tan iyo jiritaankooda.

Heestaan oo ah mid ka hadleysa qiimaha afka hooyo iyo in Af-Soomaaliga uusan qolo gaar u aheyn oo umadda Soomaaliyeed kulmiyo, waxaana erayada heesta ka mid ah:-

Afkeeygoow qolo ma timid,

Qabiil iyo reer ma tihid,

Qof gaar kuu leh ma jiro,

Dadkaadaa qeybsamoo,

Qolaba qolo diidanee,

Adiga waxaa tahay af-qura.

Erayada hooriska heesta Afkeeygoow ayaa lagu muujinayaa dhamaan magaalooyinka Soomaalida, waxaana u dhigmeysaa sidaan:.

Afkeeygoow qaran jiraa tahay

Jabuuti qiimahaaga weeye

Jigjiga quruxdaada weeye

Garish qeydkaada weeye

Muqdisho qoritaada weeye

Hargeysa qaamuuskaada weeye

Boorame qalinkaada weeye

Boosaaso qiyaastaada weeye

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE