Home WARARKA MAANTA BREAKING NEWS: Dagaal Culus oo caawa ka socda Deegaanka Nambar Konton

BREAKING NEWS: Dagaal Culus oo caawa ka socda Deegaanka Nambar Konton

SHARE

Sh/Hoose (Horumar Online) – Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in caawa uu dagaal culus halkaasi ku dhex marayo Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Amisom iyo maleeshiyada Al Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkan wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay laba jiho kaga soo dhaqaaqeen labada ciidan, ee fariisimaha ku leh Deegaanka Nambar Konton, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in labada dhinac ay dagaalka isu adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu dagaalkan ka xoogan yahay kuwii muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaankaasi.

Dadka ku dhaqan Nambar Konton, ayaa waxay ku sheegayan in Ciidanka Amisom ay hubka cul culus ku garaacayan goobihii, ay dagaalka ka soo qaadeen maleeshiyada Shabaabka.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa sheegay in Shabaabku ay weerar ballaaran ku soo qaadeen Nambar Konton, isla-markaana ay labada ciidan wadaan dadaalo ay isaga caabinayan.

Gudoomiye Ku-xigeenka oo la hadlay shabakadda Horumar.com, ayaa Shabaabka ku eedeeyay in xaalad qalqal ahi ay geliyen bulshada deegaanka, ujeedkooduna uu yahay inay muujiyan in weli jooggan gobolka.

Si kastaba, Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa loo arkaa midka ugu badan ee weerarada ka gaystan maleeshiyaadka taabacsan mintidiinta Al Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

SHARE