Home WARARKA MAANTA Wararkii ugu dambeeyay Shaqaalihii gargaar ka ee lagu afduubtay Gobolka Baay

Wararkii ugu dambeeyay Shaqaalihii gargaar ka ee lagu afduubtay Gobolka Baay

SHARE

Baydhabo (Horumar Online) – Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Baay ay ka afduubteen shaqaale gargaar Hay’ad maxali ah, kadib markii gaari ay la socdeen shaqaalahan ay ku weerareen duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya shaqaalaha ay afduubteen Shabaab inay gaarayaan illaa 7 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin gabdho, halka saddex kalena ay yihiin rag uu ku jiro ninkii darawalka ka ahaa gaariga ay ku afduubteen shaqaalahan gargaar.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa u shaqeynaayay Hay’adda Career oo ah NGO fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo, xilliga la afduubanaayay ayaa waxa ay ku socdeen deegaan duleedka Baydhabo ku yaal oo hawlo gargaar ka fulin rabeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa shaqaalaha ay afduubteen inay ula dhaqaaqeen deegaan lagu magacaabo Dalandoole oo isla Gobolka Baay ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Cali Maxamed, kuna sugan Buurhakabo ayaa sheegay saaka inay bilaabeen hawlgalo ay ku raadinayaan shaqaalahan gargaar ee Shabaabka ay ku afduubteen Gobolka Baay.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga meesha Shabaab ay la aadeen shaqaalahan gargaarka ah ee ay afduubka kula dhaqaaqeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka joogaan Koonfurta Somaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ah ee arimaha Bini’aadinimada ka shaqeeya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

SHARE