Home WARARKA CAALAMKA Booliiska Mareykanka oo Minnesota ku toogtay haweenay wacday numberka 911-ka

Booliiska Mareykanka oo Minnesota ku toogtay haweenay wacday numberka 911-ka

SHARE

Minnesota (Horumar Online) – Haweenay reer Australia ah ayaa dhimatay ka dib markii uu toogtay booliis Maraykan ah oo ka jawaabaya wicitaanka 911 oo Minneapolis kaga yimid.

Waaxda badbaada Shacabka ee Minnesota ee magaceeda loo soo gaabiyo BCA ayaa sheegtay in booliisku uu ka jawaabayay “weerar ay macquul tahay in uu dhaco” markii “Askari uu riday hubkiisa, isaga oo weeraray haweenay”.

Waaxda badbaada Shacabka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso arrinta Sabtidii dhacday laakiin waxay intaas ku dareen in aysan daarnayn kaameerada askariga ku xirnayd markii ay arrintaasi dhacday.

Si rasmi ah looma shaacinin magaca haweenayda la dilay.

Warbaahinta Australia ayaa ku warramaysa in haweenayda oo 40 jir ah ay Minneapolis kula noolayd saaxiibkeed.

Haweenayda ayaa wacday lambarka 911 si ay booliiska ugu wargaliso cod ka soo yeeray gurigeeda agtiisa marka uu shilkani dhacay, sida ay wararku sheegayaan.

Duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges ayaa warqoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay “in ay ka qalbi jabtay oo aad uga xumaatay waxa dhacay Sabtidii.

Sannadihii u dambeeyay Maraykanka waxaa ka dilal badan oo ay booliisku u gaysteen shacabka, arrintaas ayaana sababtay walaac aad u badan iyo dhaleecayn.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

SHARE