FAALLO: Jacaylka Beeso Beesoow oo ku dhacay Madaxda Somaliland!


BEESADII LAGU DOORSADAY DALKEENA HOOYO oo jameeco jacayl hayo beeso beesow ay kulaalayaan

BEESO BEESOW ayaa u diiday in uu garto waxa labadan dawladood kala iibsanayaan in uu yahay dalkiisii hooyo

BEESO BEESOW madaxwaynihii gaar siiyay in ay doonyaroo sixir u dhiibaan

Madaxwaynihii oo hamuun u qaba dollars

Madaxwaynihii oo isla doontii walaalkii loo dhiibay isna loo dhiibay oo iska garan waayay jacayl beeso beesow dartiis.

Waxaa jira markii dalkeenii burburka galay oo dawlad la aani inagu dhacday,waliba mudo dheer ayaa waxaa dalkii ka kacay qawlaysato.hadaba gobolada waqooyi waxaa laga dhisay maamulkii ugu horeeyay,waxaa ku xigay maamulkii gobolada puntland ay ka kooban tahay,hadaba waxaa la oran jiray oo jirtay in koonfurta soomaaliya sida Mogdisho ay ka jireen XAARAAN QUUTAYAAL,markii lasameeyay koonfur hanaan dawaladeedna waxaa kasoo baxay koox cusub oo ah MOOSHIN QUUTAYAAL.

Hadaba waa maxay XAARAAN QUUTAYAAL?waa koox soobaxday xiligii dawlad la aanta,waa dadka uugu itaalka roon bulshada oo ah madax maamul sida dawaladihii ka horeeyay dawlada hada jirta marka laga saaro halshaqsimooyee,waa dadka maal qabeenka ah oo loogu yeero ganaacsatada,hadaba dadkan waxay xoog ku hantiyeen beerihii iyo guryihii iyo hantidii dawlada ee ka dhaxeeyay soomaali,waxay meel iska dhigeen maxaa xaaran ah maxaa xalaal ah,hadafkoodu waa uun sideed ku heshaa BEESO oo aan uula jeedo lacag.kii madaxwayne noqdaa oo umada wexeedii lagu aaminay wax kalaba daayoo xiitaa gargaarkii aduunyadu ugu deeqday dalkeena oo loogu dhiibay in uu dadka macaluulaya gaarsiiyo waa leexsadeen madaxda koonfuri.

Hadaba kooxdani maxeerinayaan diin,iyo dad,iyo dal midna sidaa daraadeed ogoow iyagu waa XAARAAN QUUTAYAAL sidaa daraadeed ducadoodu aqbal maha,waayo wuxuu cunaa waa xaaraan oo wuxuu xirtaa dharka waa xaaraan oo maalkiisu waa xaaraan kama soo xajiyi karo laakiin toobadu waa u furantahay.Waan garanay kooxdan ee waa maxay MOOSHIN QUUTAYAAL?

Mooshinquutayaal waa caruurtii XAARAAN QUUTAYAAL badankoodu,waayo iyagu waa xildhibaano hasa yeeshee waxaa soo siiyay lacag ay ku baxsheen laaluush ay baarlamaanka ku galaan XAARAN QUUTAYAAL badankooda.hadaba kooxdani waa baarlamaan ma xeeriyaan maxaa xaaran ah iyo maxaa xalaal ah maxaa kaasaaran xil iyo waajib dalkaaga,diintaada dadkaaga midna dan kama laha waxay gartaan kaliya BEESO maxaan helayaa.kolkaa qoladani waxay laaluush ka qaataan shisheeye dalkooda haligaaya markaa iyagu waa MOOSHIN QUUTAYAAL.

Hadaba dhanka gobolada waqooyi ama somaliland waxaa kajira MARFISHLEEY IYO CITIRAAF LEEY. hadaba waa maxay Marfishleey? waxaa weeye madax iyo baarlamaan hankooduba yahay oo kaliya mijin qaada iyo marfish uu fadhiisto,intaas ayuu siisanayaa waxkasta hadaba kooxdani ninku isagoo wasiir ah ama xildhibaan ah darja kasta oo uu leeyahay,waxaad arkaysaa isagoo haween iyo ciyaal suuqa badhtankiisa lafadhiya meelaha buushashka ah oo marfish fadhiya,kooxdan waxaa layiraahdaa MARFISHLEEY. dalkana waa iibsadeen waxay ka naxayaana majiro.

waa garanay waa maxay hadaba CITIRAFLEEY? Waa kooxda uugu daran oo shacabka been iyo khuraafaad ku afuufo had iyo jeer,waa kuwo u shaqeeya sirdoonka yuhuuda iyo reer galbeedka oo ka dhex taagay diyaarada hargaysa,oo ku dhex faafiya umada soomaaliyeed dhexdooda colaad xiqdi iyo xasad,si ay ukala fogeeyaan oo ukala qaybiyaan umada soomaaliyeed ee walaalaha ah.iyagu hadafkoodu waa fulinta awaamiirta shisheeye iyagoo iska dhigaya oo dadka isu tusaya in ay goni isu taag rabaan taasoo ah been aan waxba ka jirin iyo boor isku qaris.

Dhaqalaha dalka iyagaa afka u dhigtay shacabkiina waa ka baahan yahay,waxayna uugu sheekeeyaan waa layna CIRIRAFAYAA MAR DHAW, iyo dawlad gaara oo madax banaan ayaan nahay iyagoo og xaqiiqda hadafkooduna yahay in ay siihaystaan shacabkan ay wareeriyeen oo iibsadeen wayna kalacagaysteen iyaga iyo ilmahooda iyo qaraabadoodu arimaha CITIRAAFKA. ilaa 1990 ayay ku hayaan CITIRAAFKII  kaabiguu inoo soosaaran yahay,waana qaab shacabka lagu adoon san karo oo lagu haysto mudo dheer.

hadaba koonfuta soomaaliya hada halkoox way kabaxday booskii oo waa laga ilbaxay oo waxaa dhashay baarlamaan difaacaya danta dadka iyo dalka iyo diinta oo waa dhamaaday xiligii MOOSHIN QUUTAYAAL,waxaa kaloo aad u yaraaday XAARAN QUUTAYAAL oo hada xaaladu kafiican sidii hore waxbadan marwalbana koonfur waysii fiicnaanaysaa,xiligii cabdi qaasim waxaa kafiicnaa xiligii cabdullaahi yusuf xiligii cabdullaahina waxaa ka fiicnaa xiligii sharaf meelaha qaarkood xiligii sharifna waxaa ka fiicnaa xasan sheekh xiligii xasana sheekhna waxaa ka fiican xiligan farmaajo oo koonfuri guulaystay iyo soomaaliyaba dhamaan.

Dhanka kale hada waxaa soobaxay oo dhankan waqooyi ka dilaacay koox cusub oo ka qaba arin ugaara madaxda oo kaliya oo ah wax layiraahdo BEESO BEESOOW! SIIRAANYO ayaa u horeeyay oo ah xisbiga kulmiye hadana waxaa sii wada Muuse oo ah xisbiga kulmiye.suaashu waxaa weeye waa maxay BEESO BEESOOW?  waa laba eray BEESO waxaa weeye lacag,hadaba waa wax caadi ah in banii aadmigu jeclaado lacagta,marka tan laba sii yaabi mayno waa la jeclaan karaa lacagta.BEESOW waa qofka oo lacagtii kasii jeclaada iyada aakhiradiisa,diintiisa dalkiisa dadkiisa intaba ka doorbidaya oo ka sii jeclaanaya BEESO. kolkaa BEESO BEESOW waxaa weeye qofka oo lacagtu kala wayntay oo kasii jeclaada lacagtaas waxkasta oo kale haday tahay dalkiisa,haday tahay diintiisa,haday tahay ehelkiisa,waxkasta lacagtuu dhaafsanayaa taasaa qofkii ay haleesho layiraahdaa BEESO BEESOW ayaa ku dhacay. ama hebel BEESO BEESOW ayuu qabaa.

Waxaan hal mar aragnay uun madaxdii soomaaliland oo badoodii iyo dhulkoodii iyo jiritaankoodii ku badashay lacag oo umadii soomaaliyeed la soo hor fadhiya  dhulkayagii ayaanu ka helay  saami ah 30% boqolkiiba sodon inta kale oo ah 70% todobaatan boqolkiiba waxaa qaatay shisheeye!! hadaba ilmaha yar ayaa garanaya in tani tahay dalkii oo guumaysi la galiyay oo shisheeye hantiyay.Laakiin iyaguba ma garan waayin ee waxaa ka qaalib noqday waxay qabaan BEESO BEESOOW. hadaba madax qabta BEESO BEESOW dad iyo dal midna laguma aamini kara khatarbayna ku yihiin dalkeena soomaaliya. hadii dadku qiimayn waayo waxaan ahayn lacag uun in ay jirtaba oo xaalku noqdo kaliya BEESO BEESOW waxaan idiin sheegayaa mustaqbalka caruurteena soomaaliyeed mugdibaa kujira.

Waxaan kusoo gunaanadayaa soomaaliyeey madax BEESO BEESOW qabta yaan masiirka dalkeena lagu aaminin waayo way ina gadanayaan.

W/D: Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...