Qormo Xiiso leh: Waxay nagu hayeen, ayay isku hayaan!!!

Ma ahan wax la wada dafiri  karo in umad waliba oo meel ku wada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada yihiin oo qoran isalmarkaana si cad u qeexi karaya wax kasta oo sababi kara in ay ka abuuraan dhexdooda muran siyaasadeed iyo mid bulshadeed labadaba, hadaba iminka waxaa horyaala Umadda Soomaaliyeed qabyo qoraaleedka Dastuurka   oo la galiyay waqti iyo maal farabadan soona maray gacmo kala duwan 6 sanadood ee la rogrogayay.

Mudadaasi dheer dastuurka KMG ah  waxaa faraha ku hayay gudi caalamiya oo magaciisa loo soo gaabiyay (IFCC) kaas oo isagu jira Soomaali iyo Ajaanib  lagu sheegay in yihiin dad  quburo ku ah hab diyaarinta dastuurka, dhanka kale dastuurkan waxaa tixraac looga sameeyay sida la sheegay  dastuur kii 60 kii , kii dowladii kacaanka iyo qodobada qaar oo la sheegay in lagaga soo biiriyay dastuurada caalamka qaar kood.

Gaar ahaan wadamada aan wadaagno nidaam siyaasadeedka la doonayo in Soomaaliya lagu maamulo mustaqbalka dhow iyo kan fogba kuwaas oo ah dowladaha muslimka  ah si la isku waafajiyo qoraalka dastuurka iyo isabadala bulsho iyo deegaan ee Soomaaliya waqtigan ka jira.

Tan kale waa hubanti in dad badani ay layaab ku noqotay cadadka lacageed ee beesha caalamku ay ku bixisay dastuurka qabyo qoraaleed ka ah oo ay iminka  qolo waliba  si uga qeylineyso walina aan lagu kala qanacsaneyn, Dastuurkan oo sida ku xusan asal looga dhigay diinta islaamka maadaama aanu nahay umad muslim ah 100%, hadana waxaa uu ka kooban yahay 77 qodob, ugu horeyna qodobadaasi qaar ka mid ah waxaa ay la kulmeen mucaarado xoogan oo dal iyo dibadba leh waxaana sidoo kale dhaliilo u jeediyay Culimada  Soomaaliyeed oo sheegay in dastuurka qodobadiisa qaar ka mid ahi ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya diinta islaamka, inkastoo beesha caalamka ay handaado kala horyimaadeen dadkii ka cabanayay qodobo ku jira Dastuurka. .

Hadana waxaa cad in madaxda qaar ka mida dowlada KMG ah  iyo beesha Caalamka ay handadaado ku sameeyeen dhinac yadii durayay qabyo qoraalka dastuurka kuwaas oo si isdaba joog ah mudooyin kan Muqdisho ugu qabanayay shirar lagu diidan yahay qodobada qaar ku qoran dastuurka, haatan in ay ka hadlaan iskaba daaye waxaa lagu amray hay’adaha Nabadsugida in ay kula xisaab tamaan Hoteeladii lagu qabto shirar looga hadlayo isbadala dalka iminka ka soconaya.

Inkastoo soo bandhigista dastuurku ay ku soo beegantay xilli aad u adag oo ay dalka ka jiraan qilaafyo siyaasadeed iyo dagaalo ay dowlada KMG ahi ku dooneyso in ay kula wareegto labada Shabeelle oo gacanta dowlada ka maqnaa intii lasoo doortayba, hadana lama dafiri karo in  dowladan.   waxyaabaha ugu muhiimsan ee  horyaala ay ka mid yihiin  dib u xoreynta gobolada koonfureed ee dalka oo ay inbadan oo ka mid ah  gacanta ku hayaan  Al-shabab iyo turxaan bixintaqabyo qoraalka  Dastuurka KMG ah,

Hadana  sida saxda ah waxaa Dastuur waliba uu dhaqan gal noqon karaa marka baarlamaanku ansixiyo aftina looga qaado shacabka  islamrkaana uu Madaxweynuhu saxiixo,  hase yeeshee Somaliya maadama aysan waqtigan suurtagal ka ahayn in qof kastaa oo qaan gaar ah  oo miyir qaba laga qeybgaliyo dooda Dastuurka, .Waxaa taas badal keeda loo igmaday Odayaal Dhaqameedyo aasaas looga dhigay xiliga loogu magac daray(Kala-Guurka) wallow qudhooda wax laga sheeg sheegayo sida cidda soo casuumtay ama maamuleysa,  hadana ma ahan howlyar in meel la isugu keeno odey dhaqameedyo  tira intaa la’eg ka kooban lana sheegay in laga kala keenay Gobolada Dalka.,

Si kastaba ha ku yimaadaane  waxaa muuqata in odoyaal dhaqeedyadan  la saaray masuuliyad ka weyn oo taariiqiya oo la oran karo waxaa ay la mid tahay tii Legadii oo kale, inkastoo waqtigu aanuu ahayn waqtigii oo kale hadana waxaa laga rabaa in ay masuuliyadooda u gutaan si Soomaalinimo ku dheeghan tahay kana muuqato Wadaniyad, iyo cadaalad, hadiise sida iminka xamxamtu ay sheegeyso ay yihiin odayaal dowladu KMG ah iyo wakiilka QM Ogestin-Mahiga ay meel kuwada xareysteen oo aan loo ogoleyn in ay dhageystaan talada Aqoonyahanada iyo tan bulshada rayidka ah kaga imaanaysa  taasi waxaa ay u muuqaneysaa in ay yihiin odoyaal  magac u yaal ah oo aan ka madaxbanaaneeyn amarada dowlada KMG ah..

Waa sax in mudooyinkii dambe ay is gaabiyeen dad badan oo ka hadli jiray dastuurka  iyo xaalada siyaasadeed uu dalku iminka marayo iyo in ay yaraadeen shirarkii looga hadli jiray siyaasada dalka, hadana inkastoo xaalku sidaa yahay lama oran karo maamulayaashii dastuurka waxay ku adkeysteen sidii larabay.

Waayo, dhowaan waxaa la sheegay in odaayaal dhaqameedyada loo qeybiyay dastuur la sheegay in wax laga soo badalay qodobadii qaar ee  la diidanaa, tan ugu daranise waxay ahayd markii ay gudiga dastuurku ku tilmaameen xadgudub iyo faragalin markii dowlada KMG ahi  ay qoraalka dastuurka u qeybisay odaayaal dhaqameed yada islamarakaana ay sheegeen in loo gacan dhaafay howshoodii, sidoo kale odayaal dhaqameed yada ayaa iyaguna sheegay in aaney u madaxbanaaneyn dastuurka loo qeybiyay in ay turxaan bixiyaan oo aaney u madaxbanaaneyn amaba ay ka dhiib taan fikir kooda.

Madaxda dowlada KMG  ah oo iyana  dhowaan ka hadashay go’aanka ay sida wadajirka ah u soo wada saareen gudiga dastuurka iyo odoyaal dhaqamaadku ayaa waxaa ay sheegtay in gudigu uusan xaq u lahayn in uu qaado talaabo ceynkaasi oo kala ah maadamaama uu waqtigiisu dhamaaday.

Su aasha hadaba la isweydiinkaro ayaa waxaa ay tahay sharci ahaan xil maka qaadi kartaa dowladu gudiga dastuurku ? taasi waxaan u deynayaa sharci yaqaanada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, dhanka kale hadii shalay Culimaa’udiinka, Aqoonyahanada iyo Beelihii ka hadli jiray qabya qoraalka dastuurka lagu tilmaamay in  ay yihiin qaswadayaal,

Hadda maxaa loogu yeeri doonaa gudiga dastuurka Soomaaliya maadaama ay cadeeyeen sida loo wado dastuurka, oo dowlada KMG ay faragalin ku hasyo, taladoodana aysan u madaxbanaaneyn, markase aad fiiriso sida ay wax u socdaan waa mid ku soo xasuusineysa sheekadii ahayd.:-

Waxaa  weel wax kuwada cuni jiray wiil iyo gabar wada dhashay, gabadhu wiilka wey ka boobi jiray cunada, markuu in mudda ah wiilku qarsanayay dhib kiisa ayuu maalin maalmaha ka mid waxaa uu Aabihii ka codsaday in maanta oo qudha gooni loo siiyo cuntadiisa.waana laga aqbalay.

Wiilkii oo faraxsan ayaa intuu isha ku xaday gabadhii oo meel halkaas ah cuntada labada gacmood ku cuneyso,  markaas ayuu inta qoslay oo Aabihii soo jeediyay ku yiri Aabo eeg gabadhaadi waxay igu heysay ayey isku heysaa, halkaas ayuuna Abihii ka ogaaday in gabadhu dhib weyn ku heysay Wiilka,”.

Hadda sow dadkii horay uga hadli jiray dastuurka ee la caburiyay xaq uma lahan in ay yiraahdaan, maadaama diyaariyaashi dastuurka iyo madaxdii dowlada KMG oo awalba is ku meel ahaa ay maanta is hayaan in ay qoladii hore tiraahdo WAXAY NAGU HAYEEN AYAY ISKU HAYAAN.!!

DHAMAAD/=

FG TANI WAA ARAGTIDEYDA.

Qalinkii C/qaadir Max’ed Faarax Dulyar

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...