Qormo: Haddii uu Prof. Jawaari guuleysto ama laga adkaado!

Wali waxaa taagan muranka mooshinka xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ay ka keeneen gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Mooshinkaan ayaa lagu abaabulay 24 saac gudahood, markii ay xukuumadu ogaatay in la qoraayo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Kheyre.

Hada xaalku waa sidee ?
————————–
20 cisho ku dhowaad waxaa hakad ku jira howlihii xukuumada iyo midii golaha shacabka, hotelada magaaladu waxey noqdeen kuwo aad mashquul u ah , lacag badan ayaa soo gashay magaalada oo ka timid labadda daraf ee is haya, halka Al Shabaab ay xoojisay qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah tan iyo markii uu dilaacay is qab qabsiga madaxda sare.

Xildhibaanada taageersan Jawaari waxey sugayaan in bari oo ah 28 bisha March lagu kala baxo arrinta Jawaari, Aqalka Sare ayaa isna ku raacay in 28ka howshu dhinac u dhacdo, laakiin uma muuqato iney bari wax dhamaan karaan.

Waxaa suurta gal ah iney bari hadlaan kooxda Jawaari, waxaa kaloo la falin karaa iney sameeyaan wax qalalaasaha sii badiya.

Garabka Jawaari
———————
Jawaari wuxuu heystaa xildhibaano dhowr nuuc ah ,qeyb waa kooxdii Qabyo ee Xasan Shiikh ,qaar waa xisbiga Daljir oo la sheego iney 13 xubnood ku lee yihiin Aqalka hoose, koox waa xildhibaano la baxay Himilo oo u badan kuwo ka carooday balamo xukuumadu uga baxday, qaarka kalana waa xubno kasoo jeeda Baay iyo Bakool oo isaga taageersan.

Xubnaha Jawaari taageersan waxey badi kasoo jeedaan Gal-Mudug iyo Hirshabeele, Jawaari waxaa la sheegaa inuusan heysan dhaqaalo badan oo uu ku dagaalamo, balse ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu markaan jeebka gacanta galiyay si uu u bad baado, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nin saaxiibo badan leh.

Hadii uu Jawaari guuleysto ?
—————————–
Sida muuqata, khilaafkan waxaa ku bixi kara mid ka mid ah sadexda nin ee dalka ugu sareysa.

Jawaari wuxuu u baahan yahay mar walba wax ka yar 93 xildhibaan, waxaana loo eegi doona hadba inta mudane ee fadhiga soo xaadirta.

Hadii uu Jawaari bad baado, waxa ugu horeya ee dhici kara waa inuu madaxweyne Farmaajo isku furto Ra’iisul wasaarihiisa ama la dabaqo mooshinka xukuumada, oo la aado lacag bixin horleh iyo dagaal cusub oo aan la sahmin karin natiijadiisa, Sidoo kale lama hubo iney xildhibaanadu ka wareejin doonaan madaxweynaha qudhiisa.

Jawaari waxaa kaloo u taala sidii uu ka yeeli lahaa xildhibaanada isaga diidan oo la aaminsan yahay iney boqol ka badan yihiin, waxa dhici kara waa fowdo iyo kulamada oo la arbusho hadii uusan Jawaari helin jid kale oo uu kusoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhaxeeyay xildhibanadas.

Hadii Jawaari laga adkaado ?
————————–
Hadii uu Jawaari baxo, sida ay wax noqon doonaan waxey ku xiran tahay gudoomiyaha imaan doona iyo kooxda wadata.Dadka aadka ula socda arrintaan waxey aaminsan yihiin in Baarlamanku uu kala qeybsanaan xoogan wajihi doono.

Xukuumadu waxey aaminsan tahay in hadii ay Jawaari iska wareejiso ay xal fiican heli doonto, laakiin taas lama hubo waxeyna ku xirnaan doontaa nuuca qofka imaan doona.

Mucaaradku waxey bilaabi doonaan iney is abaabulaan oo ay qarash badan huraan, si aaney Villa Somalia u wada maamulin sadexda kursi ee dalka ugu sareysa , waxey hadba guushoodu ku xirnaan doonta sida ay u shaqeeyaan iyo inta uu jeebkoodu la eg yahay.

Gunaanad

Si kastaba, Baarlamaanka 10aad wuxuu u muuqda mid jidkii saxda ahaa ka lumay, xukuumadu eedbey ku leedahay inuu suurad xumaado Baarlamanku.

W/Q : Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@gmail.com

@ Horumar.com

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...