FAALLO: Maxaa haray oo la isku haystaa!

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, salaanta islaamka . Dadku wuxuu u qayb sammaa dhowr qaybood marka loo fiiriyo qiyaasta, cabiraadooda iyo aragatidooda ku aadan nolosha, isbadalka iyo aayo ka talintooda.

Qaar arka waxa dhacay oo qura (dhacdooyin hore/Taariikh)

Dadka noocaan ah wa kuwo mar kasta aragtidooda iyo qiyaastooda ku saleeya wax horay u soo dhacay oo kaliya ama ha arkaan ama ha looga sheekeeyo taariikh ahaan. Tani waxay keentaa in qiyaastooda iyo aragtidooduba mar walba ku meeraysato hal meel oo qura, waxaana markasta ku adag inay horay uga socdaan meeshay joogeen oo ay la yimaadaan aragtiyo ka duwan ku wii hore iyo isbadal.

Qaar arka wixii dhacay iyo waxa hada muuqda ama jira (Taariikh hore/Wacyiga manta)

Dadka noocaan ah waxay awood u lee yihiin inay darsaan isla markaana wax ka bartaan dhacdooyinkii horay u dhacay, iskuna xiraan taariikhdii hore iyo wacyiga hada muuqda si ay u helaan qiyaas iyo cabiraad aragtiyeed keeni karta sidii loo wajihi lahaa dhibaatooyinka jira ee hada muuqda, loona heli lahaa xal waara waqtiga dhow ee muuqda.

Qaar arka waxii dhacay, waxa hada muuqda iyo waxa imaan kara (odoros)

Dadka noocaan ah waxay si fiican u baaraan oo u darsaan wixii horay u dhacay (taariikhda) si ay u helaan isla mar kaana u fahmaan xiriirka dhab ta ah eeka dhexeeya wixii horay u soo maray iyo waxa hada muuqda iyo raadraaca ama saamaynta ay keeni karaan mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba. Dadkani waa kuwo markasta u heelan sidii wax looga baran lahaa taariikhda, isla markaana dadka loo iftiimin lahaa taariikhda madow iyo dhaxalkeeda, ayagoo si cilmiyaysan oo dhexdhexaad ah bulshada u tusayo saamaynta taariikhda madow iyo mugdiga laga dhaxlay. Waxay kaloo bulshada ku wacyi galiyaan saamaynta taariikhda, dhaqamada iyo caadooyinka wanaagsan ee bulshadu leedahay ee qayb ka ah isbadalka iyo horumarka bulshada. Dadkani waxay ka hortagaan oo ay joojiyaan in aysan mugdiga iyo taariikhda madow soo noqnoqon, isla markaana bulshada u jeexan wado cad oo ay dhamaan inta badan bulshadu u fahmaan inay tahay tii looga bixi lahaa mugdiga isla markaana lagu gaari lahaa horumar iyo midnimo.

Qaar aan fahamsanayn taariikhdooda, arag waxa nuuqda, mustaqbalkana ka indho xiran

Dadka noocaan ahi uma baahna sharaxaad dheer. Kuwa noocaan ah waa kuwo ku sifoobay indho la’aan, dhago la’aan iyo caqli la’aan intaba.

Su’aasha aan rabo inaan la wadaago akhristayaasha oo in badan maskax dayda ku soo noq noqonaysay waxay tahay: Hadaynu nahay bulshada Soomaaliyeed, afarta nooc ee aan kor ku xusay, keebaynu ku sifownay?

Inta aynaan isku dayin in aan ka jawaabno su’aashaan, bal aan wax yar dib ugu noqono marxalada wadanku soo maray dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay.

Siyaasada Maanta (dhaliil, cambaaray, ka dib xildoon)

Burburkii dalka iyo dagaaladii xukun doonka ahaa, ka hor iyo ka dib ba waxaan ahaa shaqsi qaan gaar ah oo runtii si qoto dheer u ula socday marxaladihii dalka iyo dadku soo maray. Waxaa jiray dad yar oo fara ku tiris ah oo ka fogaaday inay ka qayb qaataan ololihii, dabayshii, taageeridii, habar wacad kii iyo hurinta colaadaha shacab ka walaalaha, ujeedka laga lahaana uu ahaa sidii ay xukun u heli lahaayeen dad shaqsiyaad ah. Waqtigu wuxuu ahaa mid aad u adag, waxaa aad loo qalday shacabka iyo ummada soomaaliyeed, dareenkoodana meel fog la gaarsiiyay. Waxaa la abaabulay gobood falyo lagu dhibaataynayo shacab ka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyadoo ujeedku ahaa in la qaybiyo dabadeedna la xukumo.

Waxaan anigu shaqsi ahaan u arkayay inuu dagaalku ahaa mid xukun doon ah balse waxaa laga dhigay oo loo ekeysiisay inuu yahay mid qabiil si loo kiciyo oo loo isticmaalo shacab ka soomaaliyeed si qaldan loona qaybiyo lana dhumiyo midnimadoodii. Soomaaliya dagaalka ka dhacay ma ahayn mid qabiil ee wuxuu ahaa mid xukun doon ah, qabiilada iyo shacabka soomaaliyeedna isma layn ee waa la isku laayay. Dadku waxay aad ugu mashquuleen dhibta iyo tacadiyadii jiray oo runtii ahaa kuwo aad u baaxad wayn, ayagoo faham koodu ahaa in waxa jira ay tahay colaad ka dhaxaysa qabiilada soomaaliyeed taasoo keentay inaynu ku dhacnay dabinkii naloo dhigay. Waxaa la laalay talo kasta iyo tusaale kasta ee xambarsanaa aragtida ah in waxa socdaa aysan ahayn colaad qabiil ee ay tahay siyaasad xukun doon ah, dadka arintaa qabayna loo arkay inay yihiin kuwo aan waaqica la socon kuna jira riyo iyo dhalanteed.

Waxaa jirta oraah oranaysa “ Haddii aad aragto wax aadan jeclaysan oo aadan waxba ka qaban Karin, la imow fikir ka duwan kii hore ee aad rabtay inaad wax ku badasho, xikmad maaha inaad wax dhaliisho markasta”. Taasina waxay keenay qof ahaan inaan isha ka fiirsado waxa socda oo aan sugo waqtigeeda. Bal aan isku dayo inaan wax yar dul istaago dawladihii iyo maamuladii dalka soo maray burburkii ka dib.

Dawladii Carta

Dawladii carta waxaa abaabulkeeda lahaa dalka jabuuti oo isu keentay ergooyin u badan dad shacab ah oo aan haysan taageero degaan, mid shacab iyo goob iyo dhul ay xukumaan midna. Waynu aragnay meeshay ku dambaysay iyo inuu madaxwaynihii la doortay C/qaasim uu xamar ka dagay guri caadi ah oo wax ka yar boqolaal mitir ay yaaleen isbaarooyin aan isaga iyo dawladiisa midna ka amar qaadan. Taasi waxay meesha ka saaraysaa in dagaalkii dalka ka socday uu ahaa mid qabiil.

Dawladii Imbegaati

Shirkii Imbegaati wuxuu ahaa mid u afduuban dagaal oogayaashii xiligaa jiray oo nin ba intuu kan kale ka hub iyo dhul badan yahay u arkayay inuu kaga sad roonaan doono maamulka ka soo bixi doona. Bilow geediina wuxuu noqday in wali ayagoo dal shisheeye marti ku ah, ay baarlamaankii kuraas iyo ulo isla dhacaan, xamar tagi waayeen, jowhar na joogi waayeen isla markaana ay baydhabo ka galbiyeen ciidamo xabashi ah oo ay xamar xoog ku geeyeen. Taasi waxay ku tusaysaa oraahdii oranaysay labadii xaaraan ku heshiiya, xaqay ku dagaalaan.

Dawladii Shiikh Shariif

Waxay ahayd dawlad dano gaar ah laga lahaa, gaar ahaan wadamada reer galbeedka ah oo runtii rabay inay saldhigyo sharci daro ah wadanka ka samaystaan, ayagoo xiligaas si xawli ah u waday inay wadanka geeyaan ciidamada AMISOM oo ayaga gabaad u noqda, si shacab ka iyo iyo dadka soomaaliyeed ay u tusaan inay raali ka yihiin in niman culumo ah ay wadanka xukumaan. Arinta kale ee taas u wehelisay waxay ahayd inay kala jabiyaan awoodii ka soo horjeeday xiligaa maxkamadihii iyo isbahaysigii Casmara. Xiligii Shiikh Shariif waxaa wadanka dawlad dhab ah ka ahaa AMISOM, waana markii ugu badnayd oo ay ciidamada reer galbeedka iyo basaasiintooduba ay ka samaysteen saldhigyo dadka lagu ciqaabo oo sharci daro ah. Tani waxay na baraysaa hadaadan tashan, oo midoobin, in laguu talinayo, laguna kala qaybinayo.

Markii ugu horeeyay ee ay maskaxdayda ku soo dhacdo inaan qoro maqaal talo bixin ah waxay ahayd markii la doortay Xasan Sh Maxamuud. Xiligaas waxaan ku sugnaa meel ka baxsan magaaladii aan deganaa oo aan u joogay tababar shaqo. Maalinimadii markii aan tabarkii dhamaystay oo aan fiidkii qolkaygii ku noqday ayaa waxaa hal mar oo kadis ah qalbigaygii iyo maxkasdaydii taabtay isbadal ka siyaasadeed ee cusub oo wadanka ka dhashay. Waxaa ii muuqday in isbadal kan cusub noqon karo bilow cusub oo horseedi kara hanaan kii lagu soo celin lahaa qaranimadii iyo dawladnimadii Soomaaliyeed. Waxaan qoray maqaal dheer oo talo bixin ah, oo ku aadan, dawlada cusub iyo Xasan Sh Maxamuud. Waxaan go’aan saday markaan magaaladaydii ku noqdo inaan raadiyo meelihii iyo mareegihii aan ku daabici lahaa qoraalka, maadaama aysan jirin wax xiriir ah oo aan lahayn markaa ka hor.

Habaynkii kaa ka dambeeyay oo dhan waxaa naftayda ka dhex socday dagaal ahaa in waqti xaadirka ah uu yahay waqtigii sax daa haa ee ku haboonaa talo bixin iyo inuu san ahayn oo qoraalka iyo talada uu xambaar san yahayba ay noqonayaan hal bacaad lagu lisay. Dagaal dheer, is rog rog iyo gadgadoon badan ka dib waxay taftaydu kuqanacday inaanan daabicin qoraal kan oo aan la sugo waqtiga ku haboon.

Dawladii Xasan Sh Maxamuud

Waa dawladii ugu horaysay ee dalka gudihiisa lagu dhiso. Waxaa soo baxay hogaan cusub oo aan ahayn kuwii la filayay, taasoo keentay taageero badan iyo rajo cusub. Nasiib daro dadkii hogaanka u hayay wadanka, taladoodii, fikir koodii iyo aragtidoodiiba waxay ku soo ururtay in sida kaliya ee dawlad loo dhisi karo ay tahay in hogaanka iyo talada dalku gacan ta u galo dad yar oo kooban oo aan lahayn aqoon baahsan ee dawlad nimo, awood iyo waayo aragnimo intaba. Waxay ka dhacnaayeen oo ka hoos baxay gabi ahaanba fikir ka ah in macnaha dawlad nimadu tahay awood, maamul iyo talo baahsan oo u baahan inay gaarto dhamaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ummaduna Soomaaliyeed oo dhana ay ka dhex muuqdaan ha noqoto culumo, dhalin yaro, haween, aqoon yahan iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan aragnay oo marqaati kawada ahayn meeshay martay iyo halka ay ku dambaysay: isqab qabsi, casilaad, mooshin aan dhamaan iyo jaah wareer. Tani waxay sidoo kale na baraysaa in dawladnimadu tahay wax aad u baahsan oo aan ku soo ururi Karin gacmo, aragtiyo, fikiro iyo dad yar oo kooban.

Maxaynu ka baranay ama ka dhaxal nay intaa soo dawladood oo isa soo badalay? Su’aashaas waxaan u daynayaa akhristayaasha. Waxaan kaliya oo jeclahay inaad diirada saartaan xaga amniga, qaranimada iyo midnimada dalka, dhisida hayadaha dawligaa, sharciga iyo kala dambaynta, iyo madax banaanida iyo sumcada dawladnimada Soomaaliyeed.

Dawlada Farmaajo iyo Khayre

Doorashadii Farmaajo waxay aad u kicisay dareenka iyo rajada ummada Soomaaliyeed. Waxaa loo arkay in waa cusub bilowday iyo isbadal ka duwan kuwii hore. Isbadalkani wuxuu sababay inaan qoro maqaalkaygii u horeeyay tan iyo burburkii dalka. Waxaan markaa u arkay oo naftaydu ku qanacday sax iyo qaladba, in waqtiga xaadirka ah uu u muqdo mid ku haboon in taageero talo la siiyo maamulka cusub iyo madaxwaynaha cusub.

Waxaan qoray oo daabacay maqaalkaygii u horeeyay ee aan u bixiyay “ FARMAAJO U GEEYA: WAA CUSUB MISE WADADII HORE”. Ujeedada iyo nuxurka maqaalku wuxuu ahaa tusaalayn iyo tilmaamid wadadii mugdiga ahayd ee aan ku soconay labaataneeyadii sano ee la soo dhaafay. Taasoo na dhaxal siisay dawlad, dal iyo dad la’aan intaba. Waxaa kaloo maqaalku xambaarsanaa talo ku wajahan ka faa’iidaysiga taageerada balaaran iyo soo dhawaynta shacab ka soomaaliyeed u muujiyeen madaxwaynaha cusub. Dad aad u fara badan oo aan ku jiro waxay aad u soo dhaweeyeen magacaabidii raysul wasaare khayre. Taasoo runtii markaa ani iila muuqatay wado cusub iyo bilow cusub. Waxaan u fahmay in madax waynaha cusub uu diyaar u yahay inuu si tartiib tartiib ah uga leexdo oo uu u dhinac maro siriqdii iyo qaacidooyin kii qaldanaa ee naloo dhigay ee ahayd 4.5 iyo reer hebel iyo reer hebel oo kaliyaa leh jago hebel.

Isbadalkaa madax waynuhu sameeyay waxay igu dhiirisay inaan qoro maqaalkii labaad “ KHAYRE U GEEYA: DAD, DAWLAD IYO DAL DHIS”. Runtii dulucda maqaalku wuxuu ahaa in la baal maro siyaasada qabiilaysan iyo qorshaha xaaraanta ah ee 4.5. Waxaan tilmaamay habka kaliya ee aan u heli karno dawlad qaran iyo midnimo inay tahay in si tartiib ah looga gudbo siyaasada qabiilaysan oo loo gudbo siyaasad qaran , taasoo runtii ahayd sababta ay dawlada cusub u heshay taageerada shacabka soomaaliyeed.

Runtii waxaan aad ula fajacay oo la argagaxay markii raysul wasaare Khayre soo magacaabay gole wasiir oo ka badan lix dameeyo iyo wasaarado aad u badan oo macno yar. Waxaa markiiba ii muuqday in madax waynihii iyo raysul wasaarihii ay galeen go’doon siyaasadeed iyo xayn daab adag. Waxaa lagula taliyay lagana dhaadhiciyay in sida kaliya ee dawlad loo dhisi karo ay tahay in la badiyo goloha wasiirada iyo wasaaradaha, xubno badan oo baarlamaanka ah lagu soo daro golaha wasiirada, la qanciyo kooxo badan oo dano gaar ah leh si aan buuq u dhicin oo loo ansixiyo dawlada cusub. Arintaas shacab badan oo soomaaliyeed aad buu u saluugay, waxayna u arkeen in ujeedka dawlada cusub ee la dhisay uu ahaa in la helo dawlad aan la mucaaradin oo baarlamaanku ansixiyo ee aysan ahayn mid dadka iyo dadka wax u qaban karta.

Markaa ka dib waxaan qoray maqaal “ DAWLAD XAYN DAAB KU JIRTA IYO SHACAB XAL DOON AH”. Kaas oo aan ku muujinayay in dawlada cusub ay martay wadadii kuwii ka horeeyay ay mareen ayna dhaawac culus u gaysteen dareenkii iyo rajadii shacab waynaha Soomaaliyeed. Waxaa ii soo baxday markiiba oraah oranaysa “ waa xikmad daro inaad samayso tijaabooyin isku mid ah marar badan oo aad ka sugto inay ka soo baxaan natiijooyin kala duduwan”.

Tira badnida wasiirada xukuumada khayre waxay keentay in ay wasiiradu isku qabsadaan shaqooyinkii oo ay is eedeeyaan, qaarna iscasilay isku dhexyaac iyo kala sooc la’aan wasaaradaha iyo shaqooyinkooda. Waxay kaloo keentay in dakhli aad u badan uu ku baxo mushaaraadka golaha wasiirada, degaankooda, ilaalintooda iyo safaradoodaba, kaasoo ah runtii mid aan loo baahnayn oo aan waxba ku soo kordhinayn isbadalka dalka.

Waxaan kaloo aragnay in xukuumada Khayre ay shaqsi soomali ah ay u dhiibtay wadanka Ethiopia oo ah runtii wadan ay nagala dhaxayso colaad soo jireen ah oo aan wali na dhexmarin heshiis iyo waxwada qabsi ku salaysan istix galin, is aaminid iyo daris wanaag. Taasoo oo badanka shacab ka Soomaalidu u arkay inay tahay khiyaano qaran.

Waxaan kaloo aragnay in shaqsiyaad mucaarad dawlada ku ah guryahoodii la galay, ilaaladoodii la laayay isla markaana la xiray iyadoo aan la marin sharciga dalka u yaal iyo qaynuunka. Dawladu xaq bay u leedahay inay baarto guryahooda cidii ay u aragto inuu ku jiro fal dambiyeed isla markaana la xiro, laakiin waa inay martaa qaynuunka iyo sharciga wadan ka u yaal ee aysan samayn waxay iyadu rabto.

Waxaan kaloo aragnay in wadamo shisheeye iyo shirkado shisheeye ay la galeen heshiisyo maamul gobaleedyada wadanka iyadoo aan wax talo ah laga siin dawlada dhexe oo guud ahaanba la dhinac maray. Taasi waxay keentay kacdoon balaaran dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyadoo dawlada loo arkay inay tahay mid aan awood u lahayn inay difaacdo qaranimada iyo midnimada Ummada.

Waxaan kaloo hada aragnay jaahwareer iyo is qabqabsi cusub iyo mooshino hada bilowday oo ka dhex aloosan baarlamaanka iyo xukuumada dawlada. Waxaan aragnay in gudoomiyaha baarlamaanka iyo qayb baarlamaanka ka mid ah ay ku eedeeyeen xukuumada Khayre fara galin ay ku hayaan golasha shacabka. Waxa jira oo dhabta ah wali si fiican ugama dharagsanin laakiin waxaa muuqda in hada wadan ka ka bilowday jaahwareer siyaasadeed oo cusub iyo dagaal aan horay loo arag oo ka dhexeeya golaha xukuumada iyo golaha shacab ka.

Suaasha sadexaad ee aan rabo mar kale inaan akhristayaasha la wadaago waxay tahay: Hal sano iyo dheeraad ka dib, dawlada Farmaajo iyo Khayre ma u muuqataa mis samato bixin karta shacabka iyo ummada Soomaaliyeed?

Xalku muxuu yahay

Waxaynu aragnay dawladihii tan ka horeeyay iyo wadadii ay mareen. Waxaan hada aragnaa dawlada farmaajo iyo Khayre Meesha ay joogto sanad ka dib. Xaalada dalku hada wuxuu marayaa in dalka la qaybsato oo ay ku heshiiyaan shirkado shisheeye iyo dalal shishisheeye. Waxaa ii soo baxay oraah qaali ah oo abwaan Soomaaliyeed horay u yiri asagoo runtii si sax ah u cabiray waxa soo socda oo ah manta halka aan naal ”maxaa haray oo la isku haystaa”.

Mucaaradka

Waxaynu ka soo daalnay oo ka dharag sanahay siyaasad iyo aragtiyada mucaaradka. Taasoo ku salaysan eedayn, cambaarayn, kicin iyo iska horkeen shacab, colaad abuur, danaysi shaqsi ama kooxeed iyo xukun doon. Waxay tani na dhaxal siisay inaynu markasta dib ugu noqono wadadii mugdiga ahayd ee aan horay ugu daalnay. Waxaad moodaa dhamaan siyaasiyiinta xildoonka ah in ay hal ceel biyo ka soo wada cabeen isla markaana akhristeen hal buug oo qura.

Waxaynu u baahanahay siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal leh han qaran oo ka sareeya qabiil, gobol degaan, iyo dan shaqsi intaba. Waa inaynu helnaa hogaamiyayaal abuuri kara kacdoon shacab ku dhisan aragtiyo, fikrado, barnaamijyo iyo qorshayaal siyaasadeed, ku baaha dhamaan dalka iyo dad ka soomaaliyeed. Waa inaynu helnaa hogaamiyayaal leh shacbiyad iyo taageerayaal ka kooban ummada soomaliyeed oo dhan isla markaana leh karti , hufnaan, daacadnimo iyo hal abuurnimo ay ku hanan karaan qalbiga shacab waynaha Soomaaliyeed kana raariridi kara in ummada soomaaliyeed wax wada leedahay ee aysan wax kala lahayn, dadlka, degaanka iyo khayraadkiisuna uu u dhexeeyo loona siman yahay. Waxaynu u baahan nahay hogaamiyayaal wada mabda iyo isbadal ee aan ahayn xukun doon kaliya diyaarna u ah inay hantaan quluub ta shacab ka soomaaliyeed inta ay san xukun raadin. Waxaynu u baahanahay hogaamiyayaal ku dhex jira bulshadooda, isku xira, fahamsan baahidooda iyo waxa ay rabaan isla markaana dhaqan galin kara hadii awwoda iyo talada dalka ay hantaan. Inta aan hadba qof ama koox cirka ka soo dhacday na loo duubayo, waxaynu isga daba wareegaynaa sida giraan girta oo aan mar kasta isla meeshii ku meeraysanayaa.

Baarlamaanka

Baarlamaankani ma aha mid ka kala yimid xisbiyo kala duwan oo leh afkaaro iyo mabaadii kala duwan oo ku yimid doorasho shacab. Waa mid ku yimid doorasho dadban(qofba si ha u fasirto). Si uu uga fogaado in la siyaasadeeyo arimaha iyo shaqada baarlamaan ka, waa in ay samaystaan shacri oranaya in xubin baarlamaan ka ka tirsan aysan ka mid noqon Karin golaha wasiirada iyo fulinta. Tani waxay Meesha ka saaraysaa inaysan dhicin xubno baarlamaan oo golasha fulinta siiya taageero indha la’aan ah sax iyo qaladba. Ama kuwo mucaarada golaha fulinta si indho la’aan ah oo ku eedeeya wax jira iyo waxaan jirin labada ba.

Waxaa muhiim ah in baarlamaanku dawlada cusub inta aan la ansixin uu kala hadlo oo kala doodo cadadka wasaaradaha. Sababta keentay in wasaarado intaa le’eg la sameeyo. Baahida keentay in wasaarado cusub la sameeyo. In loo hayo dakhligii ay ku samaysan lahaayeen xarumo cusub iyo shaqaalahoodii. Baarlamaanku wuxuu caado ka dhigtay in Raysal wasaare kasta oo yimaada inta hal bil qol isku soo xiro, qalin iyo warqad soo qaato uu taxo wasaarado iska batay oo aan xikmad badan lahayn dalkuna qaadi Karin, dabadeedna ay gacmaha taagaan oo ansixiyaan.

Waxaad arkaysaa wasaaraha dawlada oo soo gudbinaya qorshayaashooda sadex/lix bilood laha ah oo ah runtii wax aad waaqiciga uga fog. Hadana waxaad arkaysaa baarlamaankii oo gacmaha taagay oo leh waan ansixinay oo aan haba yaratee xaqiijinayn in qorshaha wasaaradu suuto gal yahay iyo in kale. Tanina waxay keentay in dawlad cusub oo kasta oo timaada ay tiraahdo wax kasta anagaa bilownay waayo baarlamaanku ma oga wax ka socda wasaaradaha iyo la xisaabtan dhow ee qorshe shaqeed ka wasaaradaha.

Hadaba si uu uyimaado daba gal iyo isla xisaabtan dhow isla markaana dhab ah, waa in baarlamaan ku dawlad kasta oo cusub oo dhalata ka dalbadaa inta ayna soo gudbin qorshohooda boqolka bari, inay soo gudbiyaan:

  • Wasaarada iyo xarumaheeda

  • Cadadka shaqaalaheeda, qaab masuuleedka wasaarada iyo kala saraynta xaga shaqada

  • Waaxaha/laamaha iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay

  • Dakhliga sanadeedka wasaarada (kii ugu dambeeyay)

  • Mashruucyada ay xukuumadii hore dhamays tirtay

  • Mashruucyada wali furan

  • Mashruucyada la degiyay ee aan wali bilaaban

  • Xisaab xirka sanad laha ah

  • Iyo wax yaale kale oo mahiim ah

  • Adeegyada ay wasaaradu u qabato bulshada iyo qaab ka ay u qabato:

    • Nidaamyada la raacayo

    • Qaabka la isku diiwaan galinayo

    • Foomamka la buuxinayo

    • Iyo wixii la mid ah

Tani waxay marqaati u yeelaysaa halka uu joogay horumar ka ka socday wasaarad kasta iyo waxa ay ku soo kordhiso xukuumada cusub.

Madax wayne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre

Runtii waxaad moodaa in dhaawac culus uu gaaray hankii iyo rajadii badnayd ee ay shacab ku ka qabeen dawladiina. Waxaa hada na dhaaftay hal sano iyo wax la jira. Waxaan qabaa in dhaawacaas la dhayi karo oo uu bogsoon karo oo aad mar labaad dib u hanan kartaan quluubta iyo niyada shacab ka hadii iyo hadii oo qura:

  • Aad si dhab ah u faham taan in shacab ka iyo ummada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin oo kaliya dawlad midnimo qaran

  • Aad si dhaqso ah u kala dirtaan xukuumadiina tiro badan eeku salaysan qaybinta iyo siyaasada qabiilaysan ee 4.5, nuxurkeeduna yahay in la qanciyo shaqsiyaad, kooxo iyo humaag beenaad dad yar oo xildoon ah ay adeeg sadaan oo la yiraahdo qabiil

  • Aad samaysaan xukuumad yar oo kooban oo tayo leh oo aad xulisteeda xor u tihiin isla markaana aad qaadaan masuuliyadeeda shacab ka hortiisa

  • Aad gabi ahaanba ka ilaalisaan in xubnaha baarlamaanku ka mid noqdaan golaha xukuumada

  • Aad la timaadaan qorshe kooban, waaqici ah, talaabo taalo ah isla markaana xooga saaraya amniga, la dagaalan ka musuqmaasuqa ficil ahaan, iyo wacyi galinta ummada soomaaliyeed(midnimada, wada jirka, qaranimada iyo dawladnimo).

  • Aad yaraysaan khudbadaha tira badan oo aan waaqiciga ahayn iyo balan qaad yada tirade badan ee aydan u lahayn awood aad ku fulisaan. Tani waxay duraysaa caqliga shacab waynaha soomaaliyeed oo aad ka dhigaysaan kuwo wax walba loo sheegi karo. Shacbiga soomaaliyeed waa ka dharag san yahay daruufaha iyo wacyiga ka jira dalka iyo waxa madax da dalku qaban karaan.

Waxaan aamin sanahay inaad wali haysataan fursad aad dib isugu saxdaan oo la timaadaan barnaamijyo, qorshayaal, aragtiyo siyaasadeed iyo waxqabad muuqda oo dadla iyo dadkaba ka samatabixin kara xaalada ay manta ku sugan yihiin.

Rabi talo ku filan.

W/Q: Cabdi qani C/ khaliif

@ Horumar.com

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...