Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo kala duwan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amniga Jubbaland iyo guud ahaan xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyay kulanka golaha amniga Jubbaland, waxyaabahii todobadkan lagaga hadlay iyo qiimayn lagu sameeyay go’aamadii amni ee horay loo qaatay.

Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo gudbisay qaylo dhaanta la xiriirta sidii loogu gurman lahaa dadka ku nool qaar kamid ah Jaziiradaha iyo deegaan xeebeedyada Jubbada Hoose kuwaas oo xaalado adag ay ka jiraan iyadoo Wasaaradu ay ugu baaqday Dowlada iyo dhamaan dhinacyada kala duwan in ay gurmadkaas ka qayb qaatan.

Dhinaca kale Wasaaradu waxay ka warbixisay kulamo iyo shirar dhex maray iyaga iyo deeq bixiyayaasha kulamadaas oo wali qabyo ah isla markana natiijooyin fiican laga gaaray.

Wasaarada Amniguna waxaa ay ka warbixisay halka uu marayo shirka amniga Dowlad Goboleedyada dalka oo ka socda Magaalada Kismaayo kaas oo go’aan midaysan iyo istiraatijiyad mid ah lagaga qaadan doono xaaladaha amniga wadanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Wasaarada Maaliyada ayaa dhankeeda soo bandhigtay halka uu marayo qorshaha dhismaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo qorshahaas oo ay Wasaaradu garwadeen ka tahay meel marintiisa la iska kaashan doono sidii loo dardar galin lahaa isla markana howshu u bilaaban lahayd wakhtiga ugu macquulsan.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay kulan ay la qaateen masuuliyiin kasocotay ismaamulka wajeer ee wadanka kenya kaas oo lagaga hadlayay sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa dhinacyada amaanka waxbarashada Caafimaadka iyo isku socodka Bulshada iyadoo kulamo kale iyo safaro ay masuuliyiinta Jubbaland ismaamulkaas ay ku tagayaan.


__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...