Inuu sheegay Malaa’ik badbaadisay, waxa uu ugu fadhiyay No. 52, inuu xabsi galay iyo dhacdooyin aan maanka galeynin oo laga diiwaan geliyay Nicklas Bendtner! Qaybta 2-aad.

Nicklas Bendtner waxa uu ku dhashay isla markaasna uu kusoo barbaarray caasimadda Denmark ee Copenhagen.

Bendtner waxa uu carruurnimadiisa ciyaarista kubadda cagta uu kasoo billaabay Tarnby Boldklub, ka hor inta uusan ka mid noqonin Kjobenhavns 1998.

Sanaddii 2004 ayuu u saxiixay kooxda kooxda Arsenal isagoo 16 jir ah, waxaa xilligaas loo arkayay xiddig mustaqbal leh isagoo weerarka kula lammaaneysnaa Arturo Lupoli oo ay dhallinyarada Gunners ka wada tirsanaayeen.

Isagoo jira da’da 18 sano ayaa loo magacaabay xiddigaha qaranka Denmark ee ka qayb galay European Under-21 Championships ee sanaddii 2006.

Xilligaas ayuu billaabay dhibka joogtada ah ee uu naftiisa iyo waxa ku hareersan uu geysanayo.

Waxa uu inta badan caado u lahaa inuu la dagaallo xiddigaha ka waaweyn ee ay qolka lebiska wadaagaan.

Ciyaar ay Denmark ka hortageen qaranka Netherlands ayaa lagu beddelay Morten ‘Duncan’ Rasmussen, aad ayuunna uga xumaaday.

Ka dib shir jaraa’id ayuu ku sheegay in gebi ahaan qalad uu ahaa beddelka lagu sameeyay, waxaana uu tilmaamay inuu isaga ahaa mid ka fiican xiddigga lagu beddelay, iyadoo ugu dambeyn lagu amray inuu raalli gelin ka bixiyo.

Sanaddii 2008, waxa uu marna qayb ka noqonayay kooxda koowaad ee Arsenal, marna waa uu weynayay, halka dhibaato ee uu qabayna waxa ay ahayd Emanuel Adebayor.

Adebayor ayaa horraan hoosta ka xarriiqay in isaga iyo Bendtner aysan lahayn xiriir wanaagsan, dagaalkooduna uu yimid markii laacibka reer Denmark uu diiday inuu kabaha siibo inta uusan soo gelin qolka lebiska.

Ciyaar u dhexeysay Arsenal iyo Tottenham isla markaasna ahayd marxaladda afar-dhamaaadka tarta League Cup ayaa waxa uu farta dhexe u taagay Adebayor, waxaana taasi ay dhalisay in labada xiddig muran ay garoonka kaga baxaan.

Adebayor oo arrintaas ka fal-celinayana waxa uu yiri: “Nicklas Farta ayuu ii taagay, waana ka xumahay, Farta uma taagi kartid qof aad isku koox tihiin”.

Sanaddii 2009, waa uu 21-jirsaday, waxaana la filayay inuu caqli ahaan koray oo uu is beddeli doono.

Hase ahaatee, ma aysan dhicin taas, inuu kasii daro ma ahanee.

Bishii May ee sanadkaas waxaa sawirro laga soo qaaday isagoo surwaalkii ka dhacay oo ay caqnowyadiisu celinayaan, waxaana uu ku sugnaa Club-ka Boujis nightclub oo ku yaallo Londo, saacadduna waxa ay ahayd 4am.

Hase ahaatee ficilkaas raalli gelin ayuu ka bixiyay laacibkan, waxaana uu tilmaamay inuu yaryahay, balse ficilladiisa ay yihiin kuwo qaldan, hoosna u dhigaya Club-ka iyo naftiisa, isagoo raaciyay inuu aad kaga shallaayay.

Markii Augsut la gaarray xilli ciyaareedkii cusbaa, waxaa laacibkan uu helay fursado cusub si uu bilaw nadiif ah u helo.

Waxa ay u ahayd xilli u qaas ah, maadaama lamabrkii maaliyadda ee 26-aad laga beddelay waxaana loo xiray lambarka 52, mushaarkiisana waxaa laga dhigay £52,000.

Waxa uu caddeeyay in lambarka uu isaga ka helo uu yahay Lambar 7, waxaase xilligaas xirnaa Thomas Rosciky, sidaas darteed ayuu usoo dhoweeyay 52 maadaama ay ka dhignay 5+2 oo la mid noqoneysa 7.

Waxa uu lacago u celiyay dhammaan taageerayaashii iibsaday maaliyaddiisa lmabarka 26 ku asteysnaa, waxaana kaga baxday lacag dhan £10,000.

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...