Inuu sheegay Malaa’ik badbaadisay, waxa uu ugu fadhiyay No. 52, inuu xabsi galay iyo dhacdooyin aan maanka galeynin oo laga diiwaan geliyay Nicklas Bendtner! Qaybta 3-aad.

Bilawga xilli ciyaareedkii 2009-10, waxaa sii socday musiibooyinkii laacibkan daashaday, iyadoo bilooyin yar ka dib, waxaa uu galay shil baabuur.

Xilli uu usoo socday tababarka ayaa waxa uu si deg deg ah kaga baxay waddada isagoo ka duullayay inuu ku dhaco gaari lagu hor-gooyay, waxaana taasi ay dhalisay inuu geed ku dhaco, naftiisana halis gasho.

Waa uu kasoo baxay gaariga, waxaana uu iska bixiyay dharkii isagoo jirkiisa dhaawacyo ka baaraya.

Waxa uu ka sheekeeyay xaaladdiisii ka dib shilka isagoo tibaaxay in dharka dhan uu iska dhigay si uu u hubiyo dhaawacyada soo gaaray jirkiisa, sidoo kale waxa uu sheegay inuu gaariga dib ugu booday si uu u heli telefoonkiisa oo xilligaas dhacayay.

Dhanka kooxda ayaa laga soo wacay sida uu xaqiijiyay iyadoo la weydiinayo waxa uu tababarka kaga soo daahay.

Dabcan aad ayuu u nasiib badnaa maadaama uu qatar xoog leh ka badbaaday, waxaana uu ku socday dhaawacyo yaryar oo soo gaarray isagoo labadii kullan ee xilligaas Arsenal isugu xigtay seegay.

Markii uu ka sheekeynaayay shilkaas waxa uu tilmaamay gacan iyo wax aan la aqoonin inay ka qayb qaateen badbaadadiisa.

“Waxaan aaminsanahay in qof uu gacanteyda sare u qaaday, ma aqaano waxa ay yihiin iyo cidda ay yihiin. Markii aan meel fog ka fiiriyay waxaan dareemayay inuu qof i caawinaayo.

“Waxaan aaminsanaa inaysan ahayn waqtigeyga. Ma aysan ahayn waqtiga ay noloshayda dhammaaneysay”,

Toddobaadyo ka dib waxa uu warreysi xiiso badan siiyay The Guardian.

Isagoo si kalsooni leh u hadlayay “Shan sano gudaheed, waxaan rabaa inaan noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya Premier League-ga, waxaan doonayaa inuu noqdo weeraryahan heer sare ah. Waa ayna dhici doontaa. I aamina.

“Waxaan fiiriyay ciyaartoyda kale, waxaan arkay awooddeyda gaarka ah, mana aanan arkin wax diidayo inay dhaceyso. Waan ogahay inay dadka is weydiin doonaan ‘muxuu ka hadlayaa?’.”

Bishii November ee 2009 ayaa lagu arkay gabadha TV-yada barnaamijka aqrisa oo lagu magacaabo Baroness Caroline luel-Brockdorff taasoo ka weyn 13 sano, waxaana si aad ah loola xiriiriyay inuu u dhowyahay qoyska boqortooyada.

Waxay heystaan wiil dhashay December 2010, toddobo isbuuc ka dib waxa ay labada lammaane ku heshiiyeen inay kala noollaadaan.

Bendtner waxa uu amaah ku aaday kooxda Sunderland sanaddii 2011, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inuusan dib dambe ugu ciyaari doonin Arsenal, isagoo ku eedeeyay inaysan fursad badan siinin tan iyo markii uu burburay gaarigiisa.

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...