Inuu sheegay Malaa’ik badbaadisay, waxa uu ugu fadhiyay No. 52, inuu xabsi galay iyo dhacdooyin aan maanka galeynin oo laga diiwaan geliyay Nicklas Bendtner! Qaybta 4-aad.

Sanaddii 2012 tartankii Euro-ha, waxaa u billawday laacibkan dhibaato iyo mushkilado kale oo hoos usii dhigay xirfaddiisa.

Waxaa la ganaaxay £80,000 iyo hal kullan ka dib markii isagoo gool u dabaal dagayo uu hoos u dhigay daba-gaabkii (buumada maaliyadda), si uu usoo muujiyo magaca “Paddy Power” oo ku qornaa hoos-gashida daba-gaabka ka hooseeya.

Xilli ciyaareedkii xigay waxa uu u dhaqaaqay dhanka koxda Juventus oo uu amaah ku aaday 2013, intii uu ka tirsanaa kooxda Turin ka dhisan, waxaa laga ganaaxay gaari-wadista muddo saddex sanadood ah, sidoo kalena £100,000 ayaa la ganaaxay maadaama uu isagoo cabsan baabuur ku dhex waday Copenhagen.

Sidoo kale Bendtner ayaa laga ganaaxay xulka qaranka Denmar muddo lix bilood ah ka dib markii uu ku xad-gudbay sharciga gaari wadista, isla markaasna ay is qabteen Police-ka.

Inkastoo markii uu Sunderland joogay carrabka ku dhuftay inuusan ku laaban doonin Arsenal, September 2013 waxa uu Arsenal u saftay kullankiisii ugu horreeyay muddo labo sano.

2014 waxaa markale soo laabtay dhibaatooyin kale oo uu dhexda ka galay.

Bendtner waxaa lagu soo eedeeyay in ay isku dheceen darawal Taksi ka hor inta uusan surwaalka hoos u dhigin, isla markaasn xubintiisa ku tirtirin baabuurka.

Mar uu la hadlayay wargeys kasoo baxa dalkiisa ayuu yiri: “Dadka waxay u maleeyaan inaan waallanahay. Sawirka ay dadka iga heystaan, keliya waa inaan xaflad ku jiray. Aniga waan ka duwanahay ciyaarista kubadda cagta- dabcan waa mid aad uga fog xaqiiqda”.

Ka dib waxa uu kusoo laabtay Ingiriiska isagoo ka mid noqday Nottingham Forest, hadda waa 30-jir, waxaana uu ka tirsanyahay kooxda Rosenborg oo Norway ka dhisan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaa lagu soo xukumay xabsi 50 maalmood ah ka dib markii uu diiday inuu bixiyo £5m oo ahayd lacag uu taksi ku raacay, inkastoo ugu dambeyn uu racfaan ka qaatay.

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...