Maxaa ka jira inay sariir wadaagaan Crouch iyo Beckham? Sheeko la yaab leh oo uu ka sheekeeyay Weeraryhankii hore ee Liverpool.

Waxaa inta badan laga sheekeeya isu dhowaanshaha xiddigihii hore ee qaranka England, David Beckham iyo Peter Crouch kuwaasoo habeenkii isla jooga.

Crouch ayaa daaha ka rogay sheeko ka yaabisay dadka kubadda cagta xiiseeya isagoona kashifay inay sariirta wadaagaan isaga iyo Beckham.

Hase ahaatee waxa uu ka dhawaajiyay in xaasaskooda kala ah Victoria Beckham iyo Abbey Clancy aysan la xiriirin qareennada lamaanayaasha kala fura, isla markaasna aysan wax dhibaato ah u arkin.

Weeraryahankii hore ee Tottenham iyo Liverpool ayaa sheegay in Beckham uu heysto dharkii ugu dambeeyay ee jiifka loogu talo galay.

Laacibka aadka u dheer ayaa sidoo kale bannaanka keennay in weli xaaskiisa uu ogolyahay inay u lebisto.

Crouch waxa uu The Star u sheegay: “Beckham waxa uu soo saarray xoogaa dharka jiifka iyo garamo ah. Waa ay badnaayee, balse wax yar ayaan ka qaatay.

“Abbey iyadane dharka lebiska ayay ii doortaa, waa ay ku wanaagsantahay sida ay sameyneyso.

“Markii aan soo baxo ee aan soo xirto Jeans, isla markaasna uu ila ekaado, waa dareenka ugu fiican adduunka”.

Waxaa uu intaas ku daray: “Waad aragtaa Simon Cowell, waxa uu soo xirtaa surwaallo iyo funnaanado gacmo gaaban, dabcan boqollaal ayuu ka heystaa.

“Hagaag, aniga waxaan heystaa boqollaal isku joog oo Jeans madow ah. Aad ayaan ugu qurux badanahay dharkeyga”.

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...