Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho oo korortay

Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay qaraxyo saddex ahaa oo Al Shabaab ay ku weerareen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, gabal dhicii shalay galab.

Faah faahinta laga helay Khasaaraha ka dhashay qaraxyadan, ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashada ay gaareyso illaa 35 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay dad kala duwan oo qaba dhaawacyo liita, kuwaasi oo xalay qaarkood ku geeriyooday Isbitaaladii la gaarsiiyay.

Maydadka dadka dhintay ayaa waxa ay kala yaalaan Isbitaalada kala ah, Madiina, Daaru Shifa iyo Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo xalay ay tageen dad kala duwan oo ay ka maqan yihiin ehelkooda si ay uga dhex raadiyaan maydadka.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dadka rayidka ah ee saarnaa basaska dadweynaha ee halkaasi maraayay iyo Mootooyinka Bajaajta ee isticmaalaayay wadada laamiga ah ee saddexda qarax ay ka dhaceen.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan ayaa waxa ay sheegeen inay halkaasi ku dileen 25 ruux oo ka tirsan masuuliyiinta dowladda Federalka Somaliya.

Ka sokow sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan masuuliyiin dowladeed inay ku dhaawacmeen kaliya Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi, iyadoo inta kale ee soo hartay ay yihiin dad rayid ah.

__________

@ Horumar.com

Join us Facebook-fans / Nagu soo biir Page-ka Faceboogeena, Like-na saar. ()

Comments are closed.

TOP NEWS IN ENGLISH

More than a dozen killed in three blasts in Mogadishu
- Nov 9, 2018
Three loud explosions and heavy gunfire have been heard in Somalia’s capital, Mogadishu on ...
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo leaves for Ethiopia
- Nov 9, 2018
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Friday for Ethiopia ahead of ...
Uhuru to retain KDF in Somalia as Treasury cuts soldiers’ budget
- Nov 9, 2018
President Uhuru Kenyatta on Thursday said Kenya Defence Forces will stay in Somalia until ...
Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu
- Nov 8, 2018
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion ...
AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its ...
Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia
- Nov 8, 2018
The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing ...
More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya
- Nov 8, 2018
The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants ...
Southwest state president steps resigns
- Nov 7, 2018
Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of ...
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
- Nov 7, 2018
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in ...
Ilhan Omar becomes first Somali-American elected to U.S. House
- Nov 7, 2018
Minnesota’s first Somali-American state representative has again made history: She is now the country’s ...
Turkish defense minister expected to arrive in Mogadishu
- Nov 7, 2018
A high-level delegation led by Turkish Defense Minister Hulusi Akar, his deputy and Armed ...
UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State
- Nov 6, 2018
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on ...